Wadahadalkii Itoobiya iyo Jabhad OLA oo soo idlaadey heshiis la'aan

Image
Shirka ayaa waxaa martigelisay Tanzania iyadda oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wareegii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Jabhadda Oromada ee OLA ayaa la soo gebagebeeyey Arbacadii iyadoo aan heshiis la gaarin, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Itoobiya.

La-taliyaha amniga qaranka Redwan Hussien oo qoraal kooban soo saarey kadib dhamaadka shirka ayaa sheegay in wada-hadallada ay si weyn u ahaayeen “kuwa wax dhisaya” oo furmay dabayaaqadii bishii hore.

"Nasiib darrose suurtagal ma ahayn in heshiis laga gaaro arrimaha qaar inta lagu guda jiro wareegan wadahadalka," ayuu Redwan ku soo qoray Twitter.

"Dawladda iyo kooxda fallaagada ahi waxay qireen baahida loo qabo in la sii wado wadahadalladan iyadoo la eegayo in colaadda lagu xalliyo si joogto ah oo nabad ah," ayuu yidhi.

Redwan Hussien waxa uu hoosta ka xariiqay in dawladiisu ay ku celinayso sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka sida uu qabo dastuurka Itoobiya.

OLA waxa ay sheegtay in isfahan laga gaaray arrimo taagan balse "nasiib darro, ma suurtagelin in heshiis laga gaaro arrimaha siyaasadda ee muhiimka ah inta lagu guda jiro wareegtada wadahadallada."

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dabayaaqadii bishii April ku dhawaaqay wadahadal uu la yeelanayo ururka OLA – oo ah jabhad firfircoon oo ka shaqeysa gobolka ugu weyn uguna dadka badan dalkaasi ee Oromia.

Sannadkii hore, wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa mira dhal noqday iyadoo dhinacyadii dagaallamayay ay ku heshiiyeen heshiis nabadeed oo ka dhaca Koonfur Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM