Wararkii ugu dambeeyay weerar Al-Shabaab ka fulisay Kenya

Image

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, waxayna sheegeen inay weerarkaasi ku dileen laba qof.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale tebiyey telefishinka Citizen ee dalka Kenya. Telefiishinka Citizen waxa uu soo tebiyey oo kale in weerarku ka dacay degaanka Kibaoni.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Shabaab taageerta, weerarku waxa uu ka dhacay Wito iyo Salaama.

Booliiska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Lamu xalay.

Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadleen weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay qoreen wargaysyada The Star iyo The Standard.

Booliisku waxay qireen in baabur uu leeyahay ciidanka booliiska oo ilaalo ku jiray lagu qaaday weerar gaadmo ah. Warbaahinta Kenya waxay tebiyeen in baabuurkaas lala helay baasuuke.

Weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya ee loo tirinayo ururka Al-Shabab ayaa sannadkan gudihiisa gaaraya afar weerar.

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM