Wariye lagu qaldey qof la raadinayay oo si layaab leh loo xiray

Image
Macharia Gaitho, oo 65 jir ah, ayaa markii damb waxa uu dib u helay xorriyadiisa.

NAIROBI, Kenya - Bilayska Kenya ayaa sii daayay wariye ruug-caddaa ah ka dib markii ay "si khaldan" ugu xireen saldhig boolis oo ay si lama filaan ay ugu rideen baabuur gaar ah isaga oo loo malaynayo ruux la raadinayay.

Macharia Gaitho, oo 65 jir ah, ayaa sheegay in meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Nairobi ay ku daba tageen dad watay laba baabuur, kuwaasoo diiday in la aqoonsado.

Waxa uu la socday wiil uu dhalay oo 19 jir ah, kaas oo u raacay saldhig booliis oo u dhow si uu ammaankiisa u ilaaliyo – halkaas oo si xoog leh loogu dhex tuuray baabuur oo uu lagu kaxeeyey.

Booliiska ayaa markii dambe sheegay in ay ahayd kiis “aqoonsi khaldan” iyo in ay ugaarsanayeen qof kale oo ay ku eedeeyeen in uu sumcadda ka jabiyay baaritaannada booliiska ee lagu tuhunsan yahay in uu wax dilay.

Booliiska Kenya ayaa dhawaan boqolaal ka tirsan saraakiishooda geeyay dalka Haiti si ay gacan uga geystaan ​​la dagaalanka kooxaha burcadda ah ee ka dagaalama dalka Haiti, taasoo dadka qaar ay su'aal ka keeneen dhaleeceynta loo jeediyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM