Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Image

BAMAKO, Mali — Wasiirka Gaashaandhigga Mali, Sadio Camara, ayaa lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan oo argagixiso ah ku qaadeen hoygiisa ku yaalla magaalada Kati oo u dhow caasimadda Bamako, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Xinhua.

Ilo-wareedyadan oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay Sabtidii weerarro isku mar ah ka fuliyeen magaalooyin dhowr ah oo dalka Mali ah, kuwaas oo sababay in ugu yaraan 16 qof ay ku dhaawacmaan.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu beegsaday guriga Wasiir Camara ee magaalada Kati, halkaas oo isaga iyo xaaskiisa labaad lagu dilay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Bayaan ay dowladda Mali soo saartay fiidnimadii Sabtida ayaa lagu sheegay in weerarradu ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ay ku jiraan magaalooyinka ciidan deggan yihiin sida Kati, Sevare, Gao iyo Kidal, iyo sidoo kale caasimadda Bamako.

Dowladdu waxay sheegtay in dadka dhaawacmay, oo ay ku jiraan rayid iyo askar, loo qaaday xarumo caafimaad, isla markaana khasaaraha hantiyeed uu koobnaa.

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Mali ayaa Axaddii sheegay in howlgallada baadi-goobka ah ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan ay weli ka socdaan Kidal, Kati iyo deegaanno kale kadib weerarradii Sabtidii.

War kale oo ay ciidamada soo saareen ayaa lagu sheegay in weerarradaasi looga gol lahaa in lagu wiiqo nidaamka difaaca dalka isla markaana lagu abuuro cabsi iyo qalalaase.

Ciidamadu waxay intaas ku dareen in heerka feejignaanta amniga kor loo qaaday guud ahaan dalka, bandow la soo rogay, roondooyin ballaaran la kordhiyay, iyo baraha koontaroolka si loo xoojiyo la socodka khataraha amni.

Taliska Guud ayaa mar kale xaqiijiyay in ciidamada Mali ay ka go’an tahay difaaca midnimada dhuleed ee dalka iyo sugidda amniga qaranka, iyagoo shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan isla markaana soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Senegal oo xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, dowladdiina kala diray

Tallaabada Madaxweyne Faye ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib u dhac kale oo ku yimaada wada-hadallada cusub ee IMF iyo Senegal.

  • Afrika

    23-05-2026

  • 11:06AM

Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

  • Afrika

    19-05-2026

  • 12:12PM