Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya oo "la dilay"

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Wasaarada Gaashaandhiga Itoobiya ayaa sheegtey in Arbacadii ay dileen Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalkaas, Sayoum Mesfin, kadib dagaal ka dhacay Woqooyiga gobolka Tigray.

Xilli jagada wasiirka uu hayey intii u dhaxeysay September 1991 illaa 2010, Mesfin ayaa sidoo kale soo noqdey safiirka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Shiinaha.

Taliska ciidanka difaaca Itoobiya ayaa shaaciyey in howlgalka lagu khaarijiyey saraakiil kale oo TPLF ka tirsanaa kuwaas oo kala ah;

  1. Seyoum Mesfin, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoonbiya
  2. Asmelash Woldeselassie, xubin sarre oo ka tirsanaa TPLF
  3. Abay Tsehaye, horjooge sarre oo kamid ahaa qeybta siyaasadda TPLF
  4. Colonel Kiros Hagos, sarkaal kamid ahaa ciidanka Itoobiya balse u goostey TPLF

Dilka xubnahaan ayaa, sidda ay warbixinadu muujinayaan, ka dambeeyay markii ay ku gacanseyreen dalab isa-soo-dhiibitaan ah.

Dhanka kale, taliska ayaa soo bandhigay saraakiil kale kana mid ah TPLF kuwaas oo uu tibaaxay in ay nolol kusoo qabqabteen, waxayna kala yihiin;

  1. Colonel Gebremeskel Gebrekidan oo ka goostay ciidanka una wareegay TPLF
  2. Colonel Fiseha Birhane oo ka goostay ciidanka una wareegay TPLF
  3. Colonel Zeriabiruk Tadesse oo ka goostay ciidanka una wareegay TPLF
  4. Commander Gebrekidan Asgedom oo ahaa taliyaha ciidanka gaarka ah ee TPLF
  5. Mebrahitom Kinde Hailub oo ahaa madaxa maaliyadda ismaamul goboleedka Tigray.

Lama ogga hadii maxkamad lasoo taagi doono shaqsiyaadkan uu taliska ciidanka Itoobiya shaaciyey in uu nolol kusoo xiray.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa guluf balaaran ku qabsatay gobolka Tigray kadib dagaal saddex todobaad socday kaasoo sababay geerida boqolaal iyo barakaca malaayiin rayid ah.

Dhinacyadda ayaa isku-fahmi-waayey geedi-u-socodka doorashooyinka, waxaana khilaafkaas siyaasadeed isku rogay dagaal milatari, iyadda oo Tigray ku doodayaan in Abiy ku hayo "isir beegsi" wallow uu iska fogeeyay eedeyntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM