Wasiiro si degdeg ah isucasilay kadib fadeexad musuqmaasuq

Image

WINDHOEK, Namibia – Laba kamid ah wasiiradda dalka Namibia ayaa xafiiska baneeyay kadib markii baaritaano la sameeyay lagu soo bandhigay musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho.

Bernhard Esau, wasiirka Kalluunka iyo Kheyraadka Badda, iyo Sacky Shanghala, wasiirka cadaaladda ayaa galaafatay baaritaano ay sameeyeen warbaahino isugu jira maxali iyo caalami ah.

Labadda mas'uul ayaa loogu eedeeyay in ay laaluush ka qaateen Samherji, mid kamid ah shirkadaha kalluunka ee ugu weyn Iceland, si ay dib ugu soo celiyaan mashruuc goobaha kalluunka ah.

Madaxtooyadda oo war-saxaafadeed degdeg ah soo saartay kadib fadeexadda ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in istiqaaladda laga qabtay wasiiradda.

Bayaanka oo saxaafadda lasii siiyey nuqulo kamid ah ayaa waxaa nan lagu caddeynin hadii xubnahaan maxkamad lasoo taagi doono.

Baaritaanka waxaa sameeyay warbaahinada; Al Jazeera, Icelandic State Broadcaster RUV, iyo Icelandic magazine Stundin, kuwaas oo ku saleeyay xogo loo dusiyey.

Macluumaadka ayaa ku saabsan dukumiintiyo ka badan soddon kun, fariin qoraalo iyo waliba macluumaadyo kale oo muhiim u ahaa baaritaankooda.

Barnaamijka ku saabsan baaritaanka wax is-dabamarinta ayaa waxaa lagu wadaa in la baahiyo 1-da bisha soo aadan ee December 2019, waxaana laga daawan doonaa wadamo badan oo dunida ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM