Weerar lagu qaadey xero barakac oo galaaftey in ka badan 40 qof

Image
Falaagada CODECO waxay ku andacoonaysaa inay beesha Lendu ka ilaalinayso qolo kale, Hema, iyo sidoo kale ciidanka DRC.

NAIROBI, Kenya – In ka badan 40 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyi bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah iyo dad goobjoogeyaal kala duwan ah.

Richard Dheda, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka deegaanka Bahema Badjere ee dhulka Djugu ee gobolka Ituri ee DRC, ayaa sheegay in weerarka ka dhacay xerada Lala aroornimadii Isniinta ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan isbaheysiga maleeshiyooyinka ee lagu magacaabo Iskaashatooyinka Horumarinta Congo (CODECO).

CODECO waxay ku andacoonaysaa inay beesha Lendu ka ilaalinayso qolo kale, Hema, iyo sidoo kale ciidanka DRC.

Dheda ayaa wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay in ugu yaraan 41 qof ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday xerada oo ku taal meel 5km u jirta Buule oo ah goobta ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Maki Lombe, oo ah goobjooge, ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inuu arkay "in ka badan 40 mayd" oo dhulka daadsan. Waxa uu XUSAY in uu kU badbaaday in uu baxsadAy habeenkii.

CODECO ayaa waxay si joogta ah u beegsatay xeryaha barakaca. Ku dhawaad ​​60 qof ayay ku dishay xero kale oo ku dhow Buule sanadkii hore, taasoo ka mid ah xasuuqii ugu xumaa ee ay ka geysatay.

Toddobaadkii hore, dagaalyahannada CODECO ayaa weerar ku qaaday tobanaan ciidan oo ku sugnaa aagga Djukoth ee dhulka Mahagi ee gobolka, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan toddobo qof oo rayid ah. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay si xoogan u cambaareeyeen falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM