Weerarkii DusitD2 oo "lagu qorsheeyay" Facebook

Image

NAIROBI, Kenya – Weerarkii dhismaha DusitD2 ee magaala madaxda waddanka Kenya ee Nairobi ayaa lagu qorsheeyay baraha bulshadda, sidda uu wariyey wargeyska The Star oo soo xigtay warbixin uu ka helay baaritaanadda.

Baaritaanka lagu sameeyay falkaas dhacay 15-kii Janaayo, 2020 ayaa muujinaya in dableyda ay sameysteen ciwaan Facebook ayna u adeegsanayeen maleegida weerarka illaa maalintii ugu dambeysay.

Ciwaankaas ayay isku dhaafsanayeen fekradaha hubka ugu wanaagsan ee ay adeegsan karaan iyo qaabka howlgalka u qaadayaan.

Hababka ay isla soo qaadeen waxaa kamid ah is-miidaaminta. Ciwaankaas wuxuu shaqeynayey lix bilood illaa maalintii weerarka.

Mas'uuliyiin si dhow ula socotay baaritaanka ayaa sheegay in baareyaasha taliska la dirirka argagixisada Kenya ay ciwaanka ka heleen agabka ay kasoo furteen guri mid kamid ah dableyda uu ku noolaa.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, dableyda ayaa ka fogaatay in ay adeegsato telefoonada caadiga ah waxaana ay u wareegeen Facebook si ay uga fogaadaan in laamaha ammaanka ay xogtooda si furan u gaarto.

"Kani waa kiis cajiib ah oo muujinaya sidda argagixisada u adeegsato baraha bulshadda si howlgalkooda uga indha-saabaan booliska. Waana ka war haynaa tabtan," ayuu ku daray mas'uul sarre oo hadlay.

Shan dabley, naftii-halige iyo ugu yaraan 21 ruux ayaa lagu dilay weerarkaas. Weerarkaas wali kama bixin quluubta Kenyaan badan.

Bishii December, 2020, Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal todoba daqiiqo ah kaasoo ay kusoo bandhigtay sawirada dableyda iyo qaabka ay isugu diyaariyeen weerarkaas dadka lagu dilay ay ajaaniib ku jiraan.

Mitidiinta ayaa hogaamiyaha howlgalkaas ku sheegay Cali Saalim Gichunge. Dableyda kale waxaa lagu magacaabaa; as Osman Ahmed Hassan, Abdigani Arap Yusuf, Mohamed Adam Nur and Mahir Khalid.

Khaalid wuxuu ahaa is-miidaamiye iyo qofkii ugu horeeyay ee ku dhintay weerarka. Dableyda kale waxay isugu jiraan qaar is-qarxiyey iyo tirro kale oo ku naf-waayey iska hor-imaadka ciidamadda.

Muuqaalka wuxuu tusinayaa Khaalid oo la hadlaya dableyda kale. Wuxuu u muuqdaa mid waydiisanaya maleyshiyadda in ay soo deg-degaan maadaama waqtiga ay qorsheeyeen oo ka dib-dhacay darteed.

Al-Shabaab ayaa ku xustey muuqaalka in saddex kamid ah dableyda ay ahaayeen Kenyan, halka labada kale ay Soomaali ahaayeen.

Balse, waxaa sheegashadaas beeniyey mas'uuliyiinta Kenya oo "dacaayad ku sheegay". Waxay aaminsan yihiin in ay jileyso in weerarka hogaaminayey Kenya.

Sidoo kale, wuxuu muuqaalka tusinayaan dableyda oo iska caweyneysa, waxaana ay sheegayaan in weerarka ay uga aargudayaan aqoonsiga Donald Trump ee Quddus uu uga dhigay caasimadda Yahuuda.

Dhismaha DusitD2 oo ka kooban huteelo iyo xafiisyo waxaa ku badan diblumaasiyiinta Ameerikaanka iyo Yahuuda ee ku nool caasimada Kenya. Kadib weerarkaas, waxaa sarre loo qaadey ammaanka nawaaxigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM

In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

  • Afrika

    09-11-2024

  • 01:52PM