WHO oo qaylo dhaan kasoo saartey busbus si ba’an ugu faafaya Afrika

Image
Cudurka aadka loo kala qaado ayaa dilay ugu yaraan 450 qof markii ugu horeysay uu soo shaac-baxay.

NAIROBI, Kenya - Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay in cudurka mpox ee ka dillaacay qaybo ka mid ah Afrika xaalad caafimaad uu yahay khatar degdeg ah oo caalami ah.

Cudurka aadka loo kala qaado – oo hore loo oran jiray busbuska – ayaa dilay ugu yaraan 450 qof intii lagu jiray markii ugu horreysay ee uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Hadda waxa uu ku faafay qaybo ka mid ah bartamaha iyo bariga Afrika, iyadda oo saynisyahannadu ay ka walaacsan yihiin sida dhakhsaha ah ee nooc cusub oo cudurka ah uu u fido iyo heerka dhimashada sare ee cudurka.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in suurtagalnimada faafitaanka dheeraadka ah ee Afrika iyo wixii ka dambeeya "ay tahay mid walaac badan".

Mpox waxa lagu kala qaadaa xiriirka dhow, sida galmo, jidh-ka-maqaar iyo hadal ama neefsashada meel u dhow qof kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM