William Ruto oo difaacay hoos-u-dhac ku yimid miisaankiisa

Image
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in talaabadan uu ku ilaalinayo caafimaadka jirkiisa.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in hoos-u-dhaca ku yimid miisaankiisa ku ilaaliyo jirkiisa kadib markii shacabka baraha bulshada ku muujiyeen walaac ku saabsan caafimaadka William Ruto.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta Axaddii, madaxweyne Ruto ayaa waxa uu shataxaad kooba ku bixiyey inuu iska riday culeys ku kordhay xilligii ololaha ee 2022-dii.

Muddadaas ayuu hoosta ka xariiqay in uu jiray cadaadis badan oo mararka qaarkood u horseeday cunnida burka oo kamid ah waxyaabaha sababa cayilka shaqsiyaadka.

Mr Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu xoogaa miisaankiisa dhimay kadib markii uu dib-u-bilaabay barnaamijkiisa jirdhiska, cuntada iyo fayoqabka.

"Aniga oo eegaya dabeecadda shaqadeyda, waa in aan hubiyaa feejignaanta dhanka caafimaadka," ayuu hoosta ka xariiqay Ruto oo si weyn u difaacay hoos-u-dhaca miisaankiisa.

Qayb ka mid ah shacabka Kenya ayaa arkay in madaxweyne Ruto uu miisaankiisu hoos u dhacay bilo kadib markii uu xilka kala wareegay madaxweynihii ka horreeyay Uhuru Kenyatta.

Qaar kamid ah dadka uga falceliyey baraha bulshadda ayaa ku doodey in laga yaabo in Ruto uu xanuunsanayo. Hase ahaatee, dadka kasoo horjeeda aragtidiisa ayaa ku naqdiyey in amdaxweynaha uu kaliya iska riday cayilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM