Xaalada askariga AMISOM ee laga helay Covid-19 oo laga warbixiyey

Image

KAMPALA, Uganda – Dowlada Uganda ayaa maanta waxay xaqiijisay in askari ka tirsan ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM uu soo ritay fayruska Corona, wallow ay qarisay aqoonsigiisa ama magaciisa.

Richard Karemire, afhayeenka ciidamada Uganda oo u waramay wargeyska Daily Monitor, ayaa tilmaamay in xaalada askariga ay haatan tahay mid wanaagsan isla markaana ay ka tacaalayaan dhakhaatiir gaara.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in lagu hayo xarun caafimaad oo hoostagta howlgalka Midowga Afrika.

"Looma baahna in laga walwalo xaaladiisa. Waxaan hubnaa in uu ka bogsan doono," ayuu ku adkeystay afhayeenka ciidamadda.

Illo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askariga oo ka howlgalayey dekada Muqdisho uu lixdii bilood ee lasoo dhaafay joogay caasimada, taas oo ka dhigan in lagu daartay.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in la karantiilay dhamaan dadkii kale ee xiriirka uu la sameeyay maalmihii ugu dambeysay.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale fahansan in xaalada laga helay askariga ay sarre u qaaday xiisadda iyo cabsida xerada Xalane ee la xiriirta in uu ku dhex-faafo caabuqaas safmareenka ah misana dilaaga ah.

Soomaaliya, oo ay Uganda ka joogaan 6,000 ciidan kuwaasoo qayb ka ah howlgalkada nabad-ilaalinta AMISOM, ayaa laga xaqiijiyey 528 kiisas oo ah Coronavirus; dhimashaddu waa 28 xili ay ka bogsatay 20 ruux kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM