Xaalada waqoyga Itoobiya oo qaylo-dhaan laga soo saarey
ADDIS ABABA, Ethiopia – Maamulka gobolka Canfarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii gobolkaaso ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dileen dad rayid ah iyo in ay dhac u gaysteen goobo ganacsi.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay Canfarta uu xanibay in raashin la geeyo gobolka Tigray ee dariska la ah ismaamulkaasi, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah.
"Dadku waxay u cararayaan cabsi buuxda oo dhan walba ah," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Canfarta, oo codsaday inaan la magacaabin.
Dagaal ayaa ka qarxay Tigray bishii Noofambar 2020, isaga oo iska horkeenay dawladda Itoobiya iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan ciidammada Canfarta, iyo ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), oo ka talisa gobolka.
Colaadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah iyadoo malaayiin kalena ay ku barakaceen saddex gobol oo ka tirsan Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Xukuumada Canfarta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kooxda TPLF ay soo gashay gobolkaas bishii December dhibaatooyinka ka gaysatay intii ay gobolka ku sugneed.
“Waxay xasuuqday dad aan waxba galabsan, waxa ay bililiqo iyo burburin u gaysatay hay’ado kala duwan, waxayna barakicisay in ka badan 300,000 oo qof oo aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Samafalaha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters in mid ka mid ah asxaabtiisa lagu dilay dagaalka labona la la’yahay.
Warka kasoo baxay Canfarta laguma soo hadal qaadin ciidamada federaalka Itoobiya. Samafalaha ayaa sheegtay in aysan rumaysnayn in askarta Itoobiya ay ku lug leeyihiin tacadiyada. Mid kamid ah dagaalyahanada Canfarta ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in militariga aysan ka taageerin dagaalka ay kula jiraan ciidamada Tigreega.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu sababay in sahayda bini'aadantinimo ee Tigray lagu gaarsiiyo wadada oo aan macquul ahayn tan iyo 15-kii Dec.
Dhammaan kooxaha gargaarka caalamiga ah ee Tigray-ga ayaa shidaalkii ka dhammaaday, waxayna ku gaarsiinayaan gargaar lug ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore sheegtay in 9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto guud ahaan gobollada Tigray, Canfar iyo Axmaarada iyadoo kooxaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada la go’doomiyay.
Doorashadii Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaare 2018 ayaa soo afjartay 27 sano oo kooxda TPLF ay ku haysay maamulka dhexe ee Itoobiya balse xisbigu wuxuu ku ekaaday xukunka gobolka uu ka soo jeedo.
Qolo walba waxay ku eedaynaysaa dhinaca kale inay colaada hurinayso. Kooxda TPLF ayaa ku eedaysay Abiy in uu awooda dhexe u sameeyay gobolada dalka, taas oo uu diiday, halka Abiy uu ku eedeeyay kooxda TPLF in ay doonayso in ay mar kale dib ugu soo laabato talada dalka, taas oo ay diidantahay.
GAROWE ONLINE