Xaaladda cudurka Ebola ee Uganda oo waji kale yeeshay

Image
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in Uganda ay diiwaangelisay in ka badan 150 xaaladood.

KAMPALA, Uganda - Uganda ayaa saddex toddobaad ku kordhisay xayiraadaha lagu soo rogay laba degmo oo xudunta u ah faafitaanka cudurka Ebola kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 50.

Talaabadan oo ay baahisay warbaahinta dowladda iyo tan maxaliga ah ee waddankan ayaa waxay imaanaysaa iyada oo horey loo hakiyey isu-socodka iyo goobaha dadweynaha.

Tan iyo markii cudurkan uu ka dilaacay degmada Mubende 20-kii Sebtembar, cudurkan ayaa ku fiday guud ahaan dalka Bariga Afrika oo ay ku jirto caasimadda Kampala.

Konton iyo kow dhimasho ah ayaa la soo wariyay Sabtidii, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Uganda kuwaasoo tibaaxay in kiisaska ay intaas kasii kordhi karaan maalmaha soo aadan.

Nooca cudurka ee hadda ku faafaya Uganda ayaan lahayn wax tallaal ah, inkastoo ay jiraan dhowr tallaal oo tijaabo ay ku socoto. Tani waxay sarre u qaadi kartaa cabsida in uu sii faafo.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa horey u sheegay in Uganda ay diiwaangelisay in ka badan 150 xaaladood oo la xaqiijiyey iyo suurtagalnimada in ay jiraan 64 dhimasho ah.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa bandow 21 maalmood ah geliyey Mubende iyo Kassanda Oktoobar 15-keedii, laakiin wuxuu sheegay in xannibaadaha waddanka oo dhan aan loo baahnayn.

Sabtidii, wasiirka caafimaadka Ruth Jane Aceng ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in "xayiraada la saarey degmooyinka Mubende iyo Kassanda ... la kordhin doono 21 maalmood oo kale".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo masaafurinaya safiirka Koonfur Afrika ee Washington

Ebrahim Rasool ayaa hore u soo noqday safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka…

  • Afrika

    15-03-2025

  • 11:41AM

Ruushka oo tababar siinaya Ciidamada Badda Itoobiya

Himilada Itoobiya ee dhismaha ciidamo badeed iyo iskaashiga sii kordhaya ee milateriga ee Ruushka ayaa dhalisay walaac ka dhex jira dalalka gobolka.

  • Afrika

    14-03-2025

  • 06:21PM