Xaraashka furaha xabsigii Nelson Mandela oo la hakiyey

Image
Mandela ayaa la sii daayay 1990-kii xilligaas oo Koonfur Afrika ay bilowday inay ka baxdo takoorka.

CAPE TOWN, South Africa - Dowladda Koonfur Afrika ayaa dalbatay in si deg-deg ah loo joojiyo xaraashka furaha xabsiga ee jasiiradda Robben Island oo uu mar ku jiray madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela.

Iibinku oo ka dhacaya gudaha New York guriga xaraashka ee Guernsey wuxuu ku eg yahay Janaayo. Iibiyuhu waa Christo Brand, oo ahaa waardiyihii xabsiga ee Mandela ee caanka ahaa.

Hase ahaatee, Nathi Mthethwa oo ah wasiirka dhaqanka ee Koonfur Afrika ayaa daaha a rogay in aysan jirin wax wada tashi ah oo qaddiyaddan ay kala sameeyeen dowladda.

"Furahaan waxaa iska leh dadka iyo dowladda Koonfur Afrika," ayuu yiri, sida ay kasoo xigatay warbaahinta. "Ma aha wax qof gaar u leeyahay," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Xarunta Guernsey ayaa sheegtay in xaraashkeeda qorshaysan ee 28-ka Janaayo uu yahay in uu dhaqaale u ururiyo beerta xusuusta iyo madxafka ee agagaarka goobta lagu aasay Mandela.

Furaha xabsiga waa mid ka mid ah dhowr shay oo iib ah. Waxyaabaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah farshaxanka asalka ah ee Mandela The Lighthouse, Robben Island, baaskiilkiisii jimicsiga iyo ushiisii tennis-ka.

Mandela oo ah halyey qaran looga yaqiinay Koonfur Afrika ayaa 18 ka mid ah 27-kii sano ee uu xabsiga ku jiray ku qaatay jasiiradda Robben Island. Mr Brand ayaa markii dambe saaxiib dhow la noqday Mandela.

Mandela ayaa la sii daayay 1990-kii xilligaas oo Koonfur Afrika ay bilowday inay ka baxdo takoorka. Habkaas waxaa lagu afjaray doorashooyinkii1994-kii markii loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ee dalkaas.

Mandela oo lagu waramay in mudadii uu jeelka ku jiray la kulmay dhibaatooyin dhanka jirka iyo maskaxda ah ayaa waxa uu xilka hayay hal sano, isaga oo xilka ka degay 1999. Waxa uu dhintay sanadii 2013 isagoo 95 jir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM