Xasuuqa rayidka iyo afduubka caruurta waqooyi Nigeria oo kordhay

Image
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa lagu laayay ku dhowaad 30 qof iyadda oo lagu qafaashay tobaneeyo caruur ah.

ABUJA, Nigeria - Dabley ayaa Nigeria waxa ay ku dileen ugu yaraan 30-ruux halka tiro caruur ahna ay ka qafaasheen kadib weeraro kala duwan oo ka dhacay saddex gobol oo dhaca waqooyi dalkaas, sida ay sheegeen booliska iyo dadka deegaanka, waa falkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobol ay ka socdaan rabshado hubeysan.

Kooxaha hubaysan ee mootooyinka wata ayaa had iyo jeer ka faa'iidaysta habac-sanaanta ciidamada ammaanka ee gobolka waxayna qafaashaan dadka tuulada, darawalada iyo ardayda si ay madax furasho uga qaataan.

Dadka deegaanka ayaa tibaaxay in kooxo hubeysan ay Sabtidii asbuucan weerar ku qaadeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida ee waqooyi galbeed ee gobolka Zamfara, halkaasi oo ay ku dileen 24 qof. Dableyda ayaa sidoo kale qafaashay dhowr carruur ah oo xabo ka guranayay keymo ku taalla tuulada Gora oo deriska la ah.

Afhayeenka booliiska Ahmad Rufaafi ayaa caddeeyay in gobolka ay deriska yihiin ee Sokoto sidoo kale lagu weeraray shan tuulo oo ka tirsan dowladda hoose ee Tangaza Sabtidii, iyadoo dadka dhintay la aasay Axaddii.

Hussaini Ahmadu iyo Abubakar Maradun, oo ka mid ah dadka deegaanka Janbako iyo Sakkida, ayaa wakaalada wararka ee Reuters ugu sheegay khadka taleefoonka in kooxaha burcadda ah ay horaantii isbuucaan ka dalbadeen dadka tuulada in ay bixiyaan lacag si ay ugu suurtagasho in ay beerahooda fashaan balse dadka tuulada ma aysan bixin.

Afhayeenka booliiska Zamfara Yazid Abuubakar ayaa xaqiijiyay weerarradan balse wuxuu ku gaabsadey in 13-qof oo keliya la sheegay in lagu dilay sagaal dhallinyaro ah oo wiilal iyo gabdho ah.

Dabley hubeysan ayaa dilay 25 qof guryahoodiina dab qabadsiiyeen intii uu socday weerar Sabtidii lagu qaaday beesha Imande Mbakange ee waqooyiga bartamaha gobolka Benue, sida ay sheegeen laba ka mid ah dadka deegaanka. Lama oga sababta ka dambeysay weerarka oo xukuumada Abuja aysan fahfaahin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM