Xeelada cusub ee Al-Shabaab u adeegsato qorashada dhalinta Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Al-Shabaab ayaa naqshadeysay qaab cusub oo ay ku duufsato dhalinyaradda Kenya, sidda ay warisay saxaafadda gudaha.

Quudinta dhalinta-niyad-jabtay ee shaqo la'aanta la degtay, shaqaaleysiintooda iyo maalgelinta tababaro kubadda cagta oo been abuur ah ayaa lagu qeexay xeeladda cusub.

Wargeyska Daily Nation ayaa diiwaan-geliyey kiisas isku mid ah oo la xiriira qaababkaas oo lagu marin-habaabiyey dhalinyarro badan.

Da'yarta ayaa la sheegay in badankooda ay rajeynayeen in ay ku biiraan kooxda si ay uga baxaan dhibaatada faqriga iyo shaqo la'aanta.

Qoorkood oo hadlay iyagoo magacyadooda ka gaabsaday ayaa tilmaamay in la geeyay meel kamid ah Soomaaliya, halkaasina lagu siiyey tababaro kahor inta aysan soo baxsan.

Waalidiinta oo walaac ka muujiyey tiradda sii kordheysa ee caruurtooda ku biireysa kooxdaas ayaa dalbadey in xaaladan lala tacaalo.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadkan 2020, Al-Shabaab ayaa 16 weerar ka fulisay Kenya, waxayna dishay 20 ruux oo aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM