Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland oo lagu xiray xabsiga Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa maalintii 2aad ku xiran saldhiga degmada Mandheera, kadib markii Isniintii lagu xiray Koontaroolka Basaska.

Sida ku cad warqad dacwad ah oo uu arkay wargeyska The Standard, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa la qabtay isagoo watay kaarka aqoonsiga Kenya [National ID] oo la sheegay inuu si been abuur ah ku qaatay.

Madaxa agaasinka baarista Gitari Muchira ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, haddana Maanta maxkamad la soo taagi doono.

“Waxaan ka helnay warqad ka timid DC ee Beled Xaawo oo aan ku codsanayno in la sii daayo eedaysanaha oo uu sheegay inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland sababo la xiriira diblomaasiyad,” ayay tiri Muchira.

Xildhibaan Gurxan oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu been abuur ku sheegay qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ayaa lagu eedeeyay in uu Kenya ka soo galay meel aan loo ogoleyn.

"..........Waxaa lagu helay inaad Kenya ka soo gashay xuduudka barta afraad oo aan ahayn meel laga soo galo ama laga baxo" qayb ka mid ah xaashida dacwada ayaa sidaas lagu sheegay.

Ilo xog-ogaal ah oo la xiriira dhacdooyinkan ayaa sheegay in ay doonayeen in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Mandheera, si Xildhibaanka loo sii daayo.

Xubno ka tirsan ururka xuquuqul insaanka ee countiga Mandera oo goob joog ka ahaa dhacdadan ayaa cambaareeyay joogitaanka aadka u xoogan ee ciidamada milatariga ee lagu arkay dhismaha maxkamada.

Nuur Cabdow oo ah Guddoomiyaha Shabakadda Xuquuqul Insaanka ayaa dowladda ka codsaday in ay si dhab ah u fiirsato amni darada ka dhalan karta in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dalka ku sugan yihiin.

"Askarta KDF-ta waxay la yimaadeen qoriga dhashiikaha oo ku rakiban landcruiser iyo gaari xamuul ah oo ay ka buuxaan askar gudaha dhismaha maxkamadda taasoo cabsi ku beertay muwaadiniinta adeegga u doonta maxkamadda," ayuu yiri.

Cabdow wuxuu sheegay in joogitaanka noocaas oo kale ah ee askarta hubaysan ay deegaanka ka dhigtay mid aad u kacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM

Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 09:00AM