Xildhibaano sidii loo doortay aan hadal ka jeedin Baarlamaanka [Akhri Sababta]

Image

NAIROBI - Warbaahinta Kenya ayaa wuxuu soo bandhigay Liis Xilldhibaano ah, kuwaasoo aanan wali ka hadlin kulamada uu yeesho Baarlamaanka tan iyo markii ay ku guuleysteen Kursiga Xilldhibaanimo.

Muddo 9 bilood ayaa kasoo wareegatay markii Xilldhibaanadaan ay kusoo baxeen Xilkaan, waxaaan Liiska Mudanayaasha uu Mareegaan soo bandhigay ay yihiin in 49 Mudane, kuwaasoo aanan wali wax hadal ah ka jeedin kulamada Baarlamaanka.

Sidoo kale, website-ku wuxuu soo bandhigay tiro oo Xilldhibaano ah, kuwaasoo uu ku sheegayo inay yihiin kuwa hadalo ka jeediyay Kal-fadhiya ay yeeshaan Xubnaha Sharci-dejinta ee Kenya, laakiin ay si liita hadleen.

Website ayaa wuxuu kaloo daboolka ka qaaday Xubno Xilldhibaano ah kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwa khubado wanaagsan ka jeediyay Kal-fadhiya Baarlamaanka Federaalka ee dalka Kenya, islamarkaana kalimadahooda xasaasi ahaa.

Justin Muturi oo kamid ah Xubnaha Baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa wuxuu dhaliilay Xilldhibaanada aan khubadaha fiican ka jeedin kulamada Baarlamaanka, isagoona tilmaamay inay tahay mid ayaano daro ah.

“Marka la joogo Akhrinta saddexaad ee Hindisa sharciyeedyadda waa mid muhiim ah in Xilldhibaanada ay dooda ka qeyb qaataan, laakiin ma dhacdo midaas, waxaa aragnaa wax xoogaa, taasi waa inuu wax ka qabtaa Gudoonka,” ayuu yiri Justin Muturi.

Xilldhibaano kale oo isugu jira Mucaarad iyo Muxaafia ayaa arrintaan si isku mid ah u cambaareeyay waxayna sheegeen in Xilldhibaanada ku raaca dadka Fik-rahadooda ay muhiim tahay inay tooda goonida u ah ay soo bandhigaan.

Sikastaba, qiimayn la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 49 Mudane aysan wax hadal ah ka jeedin kulamada Baarlamaanka, 9 kamid ah ayaa hadal liita ka jeedin, iyagoona hadly wax ka yar 3 saac, halka 5 oo kaliya ay fiicnaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM