Xisbiga Tigreeyga oo ku adkeystay talaabo ka dhan dowladda Abiy Axmed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga dhexe ee xisbiga qowmiyada Tireeyga ee Itoobiya oo kulmay isla markaana soo saarey war-saxaafadeed ayaa ku adkeystay in ay degaankooda ka qabsan doonan doorashooyinka gobolada.

Inkasta oo bayaanka aan lagu carabaabin waqtiga ay qabanayaan doorashooyinka, haddana waxay xuseen in ay ku dhici doonto iyaddoo la fulinayo dhamaan talaabooyinka looga hortago Covid-19.

Dowladda dhexe ee Ethiopia ayay cod dheer kaga codsadeen in ay qabato doorashooyinka heerka qaran iyo kuwa dowlad goboleedyadda.

Dadweynaha ku dhaqan Tireeyga gaar ahaan dhalinyaradda ayay ka dalbadeen in ay difaacdaan xuquuqdooda is-maamul degaan ahaan.

Bishii lasoo dhaafay ee May 5-teeda ayay ahayd markii xisbiga Tireeyga ay ku goodiyeen in ay degaankooda ka qaban doonan doorasho hadii dowladda dhexe uu ee hogaamiyo Abiy Axmed ay dib u dhigto.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa horaantii sanadkan ku dhawaaqay in aysan qaban karin doorasho, iyagoo cuskaday xaaladaha Coronavirus.

Kiisaska Covid-19 ee Itoobiya ayaa maraya 1,172, dhimashadda waxay sii cagageyneysaa 11, halka dadka ka bogsanaya ay mareyso 209.

Bisha August 29-keeda ayaa horey loogu muddeeyay qabashadda doorashooyinka guud ee Itoobiya. Maadaama saamileyda siyaasadda aysan wali heshiis ka gaarin baajinta, waxaa la gelinayaa calaamad su'aal in ay dhici karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM