​Qarax baajiyay cayaartii Manchester United iyo Bournemouth

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MANCHESTER- Booliiska dalka Ingiriiska oo adeegsanaya Eyda loo rabeeyay inay baaraan waxyaabaha qarxa ayaa ku guulaystay inay soo saaraan qarax lagu qariyay garoonka kooxda Red Devils ee Old Trafford.

Garoonkaasi ayaa galabta lagu qaban lahaa cayaarta ugu dambaysa horyaalka dalka Ingiriiska, balse waxaa la ogaaday inay jiraan qarax lagu qariyay garoonka, waxaana taageerayaasha loo sheegay in waqtiga dib loo dhigi doono 45 daqiiqo waqtigii rasmiga ahaa.

Laakiin goor dambe ayaa la cadeeyay in gabi ahaanba la baajiyay kulanka, waxaan jamaahiirta labada kooxood si tartiib ah looga daad gureeyay garoonka iyadoo Booliisku si xooggan uga howl galeen.

Baaritaan kadib, waxaa la helay Mobile lagu xiray fiilooyin kaasi oo la sheegay inuu dhalin lahaa qarax, kadibna waxaa loo yeeray kooxda qaabilsan miinooyinka, waxaana ugu dambayn lagu qarxiyay Old Trafford.

Arrintan ayaa abuurtay, walwal xooggan, waxaana saraakiishu sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka waxyaabahan loo sameeyay iyo cidda ka dambaysay, waxaan garoonka lagu soo daajiyay ciidamo xooggan oo gabi ahaan xiray garoonka kooxda United.

Maaha markii ugu horraysay ee cabsi loo joojiyo cayaar kamid ah horyaalka dalalka Yurub, waxaan arrintan bilaabatay, wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Paris ee ka dambaysay kooxda IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin oo loo diiday gelitaanka Mareykanka

Infantino ayaa toddobaadkan sheegay in FIFA ay isku dayday inay xaliso dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka.

  • Cayaaraha

    13-06-2026

  • 09:44AM