Ronaldo oo ku guulaystay laacibka FIFA 2017

Image
Image
Image
Image

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay biladda FIFA ee laacibka ugu wanaagsan caalamka ee 2017-ka.

Waa sanadkii labaad ee xiriir ah ee uu ciyaaryahankan biladdaasi uu ku guulaysanayo, taas oo xafladdii lagu bixinayay ay ka dhacday magaalada London.

Weerraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa ka adkaaday labadii ciyaaryahan ee la tartamaysay ee Lionel Messi oo Barcelona u dheela iyo Neymar oo u safta kooxda Paris St-Germain.

Ronaldo oo 32-jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay kooxda Real Madrid inay ku guulaysato Koobka Horyaallada Yurub iyo La Liga-ha Spain.

Lieke Martens oo ka tirsan kooxda Barcelona una dheesha xulka Netherlands ayaa ku guulaysatay haweeneyda ugu wanaagsan kubadda cagta ee sanadkan.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, waxa uu isna ku guulaystay biladda tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha kubadda cagta ee ragga, halka tababaraha xulka kubadda cagta haweenka ee Netherlands, Sarina Wiegman, ay noqotay tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha dumarka.

Weerraryahanka kooxda Arsenal, Olivier Giroud, ayaa ku guulaystay biladda Puskas ee goolkii ugu wanaagsanaa sanadkan, kaas oo bishii Janaayo uu ciribta kaga dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Related Articles

Cristiano Ronaldo: Nolosha Sacuudiga aad baan u jeclaaday, waana dalkaygii labaad

Ronaldo ayaa sidoo kale ka hadlay AlUla, oo ah goob dalxiis oo caan ah oo ku taal Sacuudi Carabiya’ waqooyi-galbeed oo ku taal meel u dhow Khaybar iyo Tayma.

  • Cayaaraha

    15-12-2024

  • 06:22AM

Pep Guardiola oo Ka Hadlay Guuldarradii Manchester City iyo Dhaawacii Wajigiisa

Isagoo faallo ka bixinaya, wuxuu sheegay in dhaawacaasi uu xanuun badan dareemayay kaddib bandhigga kooxdiisa ee niyadjabka leh.

  • Cayaaraha

    27-11-2024

  • 11:27AM