Faro isku fiiqida kooxaha siyaasada: Xukun jaceyl mise Is-reeb-reeb?

Image
Marka la joogo Soomaaliya, waa dhacdooyin taxane ah oo goobjoog loo noqdo afartii sano mar.

MUQDISHO, Soomaaliya – "Faro isku fiiqida" ama "Ciyaarta is-eedeynta" waa mar-xalad joogto ka ah siyaasadda. Waa xaalad laba dhinac iska soo horjeeda isku-dayayaan in uu midba kan kale dusha u saariyo mas'uuliyadda qalad dhacay.

Marka la joogo Soomaaliya, waa dhacdooyin taxane ah oo goobjoog loo noqdo afartii sano mar. Xilliga kala guurka, kooxda dibad jooga ka ah talada waxay diiradda saartaa soo bandhiga ceebaha xulafada xukunka haysa.

Kadib doorashadda madaxtinimadda, isbaheysigii looga adkaadey tartanka ayaa degdeg u bilaabaya faafinta fariimo ka dhan ah kutaladda awooda la wareegtay. Tani waxay jahwareerin ku abuurtaa dadka shacabka ah.

Si gaar ah, mawduucyadda dhinacyada iska soo horjeeda ay aad uga faaloodaan waxaa kamid ah ammaanka. Xoogaga Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ah khatarta ugu weyn ee nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Tusaale ahaan, mas'uuliyiintii xilka hayay intii u dhaxeysay 2017 illaa 2022 waxay dhibsan jireen ka hadalka weerarada kooxda geysato. Qof kasta oo ka hadla falalka kooxda waxay "ku shaabadeyn jireen argagxisanimo".

"Sumcad dilka" hay’adaha dowliga

Mucaaradka waqtigaas oo si weyn uga faaloon jiray dhacdooyinka Al-Shabaab ee haatan ku fadhiya kursiga talada ayaa dib u soo celiyey isla hab-dhaqanka noocaan ah – taasoo sababtay in ay ku maadeysteen dadweynaha.

Tusaale kale, kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa loogu hadalheyn badnaa muddo xileedkii ugu dambeeyay maamulkii hore ee Farmaajo. Ololihii doorashadda 2021-22 wuxuu ahaa qodobka ugu badan ee murashaxiinta ay ka hadleen.

Siyaasiyiinta ugu badan ee ka hadlay kiiskan ayaa ku guuleystay baratankii Teendhada Afasiyooni ka dhacay May, 15, 2022. Ololihii cadaalad raadinta ayaa haatan isku badalay "iska-qarinta qoyska gabadhan ka tirsaneyd sirdoonka".

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa "waxyeelada ugu culus" ay kasoo gaartey kiiskan maadaama sheegtay in Ikraan ay afduubatay kadibna dishay Al-Shabaab. Balse, kooxda hubeysana ayaa degdeg u beenisay.

Khuburada ayaa aaminsan in hab-dhaqanka noocaan ah uu dhaawac weyn gaarsiinayo hay'adaha dowliga ah isla markaana uu dib u dhigayo hayaanka ay Soomaaliya ugu jirto soo kabasho iyo in ay dib mar kale cagaheeda isugu taagto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata…

  • Faalada Warka

    25-07-2025

  • 11:43AM

Villa Soomaaliya iyo Qorshihii Kala-Goynta Puntland: Dhabar-Jabkii Ka Yimid Sanaag iyo Haylaan

Tan iyo markii laga saaray ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, shacabka…

  • Faalada Warka

    08-07-2025

  • 09:38PM