Nooca hogaamiye ay Soomaaliya uga gudbi karo dhibaatooyinka
MUQDISHO, Soomaaliya - Xukun waxaa isku herdiya ama ku loollama aragtiyo, awoodo iyo dano kala tagsan. Kartida hoggaanka siyaasadeed waxaa lagu qiimeeyaa sida uu aragtiyada is diiddan iskugu soo dhoweeyo, awoodaha loollamaya iskugu keeno, sidoo kalana danaha kala durugsan isu waafajiyo.
Siyaasiyiin, dhaqan, aqoonyahan, ganacsato, mid kastaahi wuxuu leeyahay saamayn togan ama mid taban. Labo qaab ayaa inta badan lagu wajahaa awoodahaas, laguna yareyn karaa dhinacyadeeda taban, loogana faa’iidaysan karaa dhankeeda togan.
Waa in aad la macaamisho qaybaha kor xusan ee saamaynta leh, ahna madaxyawaynta (elite/nukhbo), oo aad iyaga la xaajooto, xooggana saarto qancintooda. Tan kale, waa in aad bulshada ka dhexgasho oo dhanka shacbiyadayn (populism) u kacdo.
Ma badna hoggaamiyaha isla heli kara shacbiyeyn (populism) iyo madaxyaweynta (elite/nukhbo), se hoggaamiyaha waxaa looga fadhiyaa kala garashada awooda wax u dhimi karta, tan wax ku kordhin karta, kara, tuu u baahanyahay, tan isaga u baahan iyo mida ay isku baahanyihiin.
Dadka qaar aragti ayaad isku diidaysaan, kuwana dan, halka kuwa kale ay xukunka iyo xafiiska kugu haysan karaan.
In xukun la helo way sahlantahay, waxaase dhib badan in la xajiyo. Waxay u baahan tahay in aad faham iyo aqoon ka haysato bulshada, bay’adda, awoodaha, iyo aragtiyada is diidan.
Waxaa lagama maarmaan ah in aad kulansato dhiirranaanta Libaaxa iyo xirfada ama xeelada dawacada, welibana aad hesho dad aqoon iyo karti ku dhaama.
Haddii hoggaamiyuhu aragti ka lahayn xaaladda, fahamna ka haysan waaqaca iyo awoodaha isku haya gudo iyo debadba, uusana is waafaji karin danaha is diidan, xulashadiisuna xumaato, karti xumo iyo xeelad la’aana hesho, xukunkaas qiyaamihiisa ayaa kacay.
AFEEF: Dhamaan aragtiyaha ku jira qormadan waxay u gaar yihiin qoraaga ku saxiixan oo ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame