Koonfur Galbeed oo foollanaysa "Yahuud maa tihiin albaabka naga fura"
MUQDISHO, Soomaaliya - Shaqaaqadii ugu horeeyay oo salka ku haysa xasaradda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Jimcaha maanta ah waxaa laga soo tabiyey magaala madaxda ku meelgaarka u ah dowlad goboleedka ee Baydhabo.
Musharax Madaxwayne, Maxamed Farkeeti, ayaa sheegay in ciidamo ka amar-qaata Laftagareen ay weerareen gurigiisa. Qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu ku yiri: "Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta Koonfur Galbeed.
Dowladda federaalka, howlgalka ATMIS iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay soo farageliyaan xaalada kasii daraysa. "Shacabka iyagaa is-difaaci doona haddii talaabo la qaadi waayo," ayuu ka sheegay shir jaraa'id.
Sawirro laga soo qaadey guriga musharax Maxamed Farkeeti ee Baydhabo ayaa muujinaya in uu burbur kasoo gaarey is—rasaaseyntii. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey geerida iyo dhaaawaca in ka badan 9 ruux.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi, ayaa ammaanay ciidamaddii fuliyey "waajibaadka" oo uu ku tilmaamay "howlgal lagu sugayey ammaanka". Isbaheysiga mucaaradka ayuu ku eedeeyay "in ay xabada bilaabeen".
"Yahuud maa tihiin"?
Gacan-ka-hadalkan ayaa maanka dad badan dib ugu soo celiyey weerarka uu Feb 18, 2021 maamulkii Farmaajo ku qaadey hotel ay Muqdisho ka daganaayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed sababo ku aadan muddo kororsiga.
Maalin kadib mudaaharaadkaas, booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa rasaas ku furay banaanbax ay hogaaminayeen musharaxiinta madaxweynaha. Nasiib wanaagn, ma jirin cid wax ku noqotey.
Dhacdadaas ayaa laga diiwaan-geliyey eryo hal-ku-dhig noqdey oo ahaa "Yahuud maa tihiin albaabka naga fura". Muuqaal falkaas laga duubay ayaa laga maqlay qof kamid ah banaanbaxayaasha oo hadaladaas ku dhawaaqaya.
Inkasta oo ruuxaas la aqoonsan, waxaa loo badinayaa in uu taagnaa iridka guri ku yaala meesha wax ka dhaceen oo wadada isku-xirta garoonka Aadan Cadde iyo isgoyska KM4 uuna doonayay in uu gabaad kaga dhigto xabadaha.
Illo wareedyo ku dhow musharaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Garowe Online in ay ka walaacsan yihiin in ay wajihi karaan xaalada noocaas oo kale "haddii ay tagaan Baydhabo oo dhowr jeer laga hor-istaagay".
Soojeedinta wadahadal
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay "shaqaaqooyinka gacan—ka—hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo" waxaana ay ugu baaqdey dhamaan qeybaha siyaasadda "in ay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti-duwanaanshahooda".
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa dhankiisa wuxuu ku tartarsiiyey darafyadda in ay degdeg u joojiyaan "dhiilada colaadeed" iyo in khilaafka siyaasadeed lagu dhameeyo miiska wadahadalka.
Danjiraha dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Kate Foster oo walwal ka muujisay shaqaaqooyinka ka dilaacay magaalada Baydhabo, ayaa taageertey baaqyadda ku saabsan in xalka uu ku jiro wadaxaajood.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa garab-istaagtey soojeedinta xukuumadda Muqdisho ee ku aadan in gorgortan lagu dhameeyo xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed xaaladana la qaboojiyo.
Dagaalka ka qarxay Baydhabo ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli madaxwayne Laftagareen iyo guddoomiye Aadan Madoobe ay todobaad kahor ku heshiiyeen in bisha dambe ay xarunta gobolka Baay martigeliso dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta.
GAROWE ONLINE