Maxaa ka dhaqan-galay xanibaada dowlada ee bogaga internet-ka ee Al-Shabaab?

Image
Xukuumadda ayaa si rasmi ah u waydiisatay shirkadaha internet-ka in ay hawada ka saaraan ciwaanada faafiya "dacaayadaha xagjirnimada".

MUWDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka inay xannibaan mareegyadda Al-Shabaab oo ay ku jiraan Somalimemo, Calamada, Amiirnuur, iyo RadioAlFurqaan.

Intaa waxaa dheer, Dawladda ayaa, sida ki xusan war-saxaafadeed rasmi ah, waxay doonaysaa in Telegram iyo SmallWarsJournal la xannibo.

Dhanka kale, qaar kamid ah ayaa u muuqda in lw xanibay kadib amarka dowladda balse waxaa muuqata in mid kamid ah uu wali shaqeynaayo.

Mid ka mid ah bogaga ugu afka dheer ayaa daabacay war ka soo baxay Al-Shabaab oo dowladda ku eedeeyay in ay “cadaadis” ku hayso warbaahinta in dhinac kaliya laga hadlo kahor intq aan hawada laga saarin.

Maleyshiyadda waxay ku andacoonaysaa in ujeedka tillaabada Dowladda ay tahay "in la qariyo guul-darrooyinka ka jira goobaha dagaalka".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay “dambi u aqoonsan tahay faafinta fariimaha kooxaha argagixisada ah”.

War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayay ku sheegtay in la joojiyay in ka badan 40 bog oo baraha bulshada ah oo ay isticmaali jireen kooxaha xagjirka ah.

"Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay dambi u aqoonsan tahay faafinta fariimaha argagixisanimada iyo dhiirigelinta falalkooda arxan-darrada ah - mid kasta oo warbaahin ah ama qof kasta oo ku hadla baraha bulshada, tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa [qofkii] ku guuldareysta qaraarkan," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Talaabadan ayaa timid maalmo kadib markii Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab uu sheegay in uu u xiran yahay Mareykanka una dabaaldagay dilka wiilkiisa.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala oo shalay wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadey Xasan Daahir balse ma fahfaahin. Xog ayaa muujineysa in xabsi la dhigay lana xakameeyay dhaqdhaqaaqiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata…

  • Faalada Warka

    25-07-2025

  • 11:43AM

Villa Soomaaliya iyo Qorshihii Kala-Goynta Puntland: Dhabar-Jabkii Ka Yimid Sanaag iyo Haylaan

Tan iyo markii laga saaray ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, shacabka…

  • Faalada Warka

    08-07-2025

  • 09:38PM