Saddex xaqiiqo oo ku xeeran ku biirida Soomaaliya ee dalada EAC

Image
Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa hadda isha ku haya mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika.

NAIROBI, Kenya - Kadib isku xirka Badweynta Hindiya iyo Badweynta Atlaantigga iyada oo loo marayo oggolaanshaha DR Congo, ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa hadda isha ku haya mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika.

Dadaalka loogu jiro in Soomaaliya ay ka mid noqoto ururka ayaa ujeeddadiisu tahay in la xakameeyo xeebaha Geeska Afrika oo qani ku ah kalluumeysiga.

Isku-xirka Bariga Afrika iyo Jasiiradda Carabta

Waddada dheer ee Badweynta Hindiya/Badda Cas ee Soomaaliya ay kusii xirto gobolka Bariga Afrika iyo Jasiiradda Carabta ayaa waxaa loo arkaa aag dhaqaale oo firfircoon.

Xoghayaha guud ee EAC, Peter Mathuki, ayaa yiri: "Kusoo biiritaanka Soomaaliya, waxay EAC u keenaysaa faa'iidooyin aad u badan marka loo eego ilaha dhaqaalaha buluugga ah sida kalluunka".

Mathuki oo ka hadlayay munaasabad ka dhacdey caasimada Kenya ee Nairobi ayaa caddeeyay in meelmarinta codsiga Soomaaliya ay "dan dhaqaale u tahay wadamadda xubinta ka ah EAC".

Ka faa'iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee badda

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer qaaradaha Afrika taasoo dhererkeeda lagu qiyaasay 3,300 kiiloomitir isla markaana biyahaas ay hoy u yihiin noocyada kala duwan ee kalluunka.

Kalluunka waxaa ka mid ah tuna jaalaha ah, marlin buluug, kalluunka dolphin, sardines, iyo qaar kale oo badan kuwaasoo la aaminsan yahay in ay kasii dhamaanayaan aduunka.

Xeebta ayaa sidoo kale waxay martigelisaa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu waaweyn qaaradda Afrika inkastoo mar lala xiriiriyay burcad-badeednimada dambiilayaasha doomaha raaca kuwaasoo haatan sii dhamaanaya.

Dalka afraad ugu ballaaraan dhul ahaan ee gobolka

Soomaaliya ayaa, sidda laga soo xigtey East African, waxay aaminsan tahay in soo gelitaankeeda Bulshada ay kor u qaadi doonto dhaqaalaha Bariga Afrika gaar ahaan dhaqaalaha buluugga ah iyo ganacsiga xudduudaha isaga gudba.

Soomaaliya oo ku fadhisa dhul baaxadiishu ay dhan tahay 634,657 kiiloo mitir oo laba jibbaaran ayaa noqonaysa dalka afraad ee ugu wayn dhul ahaan marka laga reebo DRC, Tanzania iyo South Sudan.

Si kastaba ha ahaatee, si ka duwan kiiskii DR Congo sannadkii hore, ansixinta codsiga Soomaaliya ee kamid noqoshadda dalladda Bulshadda Bariga Afrika ayaa waxa laga yaabaa in aanu wax badan ka beddelin dhaqdhaqaaqyada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata…

  • Faalada Warka

    25-07-2025

  • 11:43AM

Villa Soomaaliya iyo Qorshihii Kala-Goynta Puntland: Dhabar-Jabkii Ka Yimid Sanaag iyo Haylaan

Tan iyo markii laga saaray ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, shacabka…

  • Faalada Warka

    08-07-2025

  • 09:38PM