Xasan Sheekh oo ka gaabsadey taageerida damaca Saciid Deni

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay mowqifkiisa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo caddeeyay aragtiisa ku wajahan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa ka gaabsadey in uu taageero qorshaha uu gadala ka riixayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Muuqaal ay Talaadadii faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay in muranka taagan lagu dhameeyo wadahadal ay garwadeen ka yihiin Isimada Puntland lagana fogaado gacan-ka-hadal.

"Balaayada meelo sahlan ayay ka bilaabataa," ayuu ku yiri qeyb kamid ah hadal-jeedintiisa. "Waxaan bogaadinayaa odayaasha hadda u istaagay in arrintaas nabad lagu soo xaliyo, arrinta nabad ha lagu xaliyo," ayuu raaciyey.

Gacan-ka-hadalkii ugu horeeyay

Wuxuu raaciyey: "Dowladda federaalka sidaan horey u sheegay wax kasta oo nabadaas ka qeyb-qaadanayo [way taageereysaa]. Laakiin ma taageereyno, raali kama ahin in mushkiladaha na dhexyaalo qoryo aan isku qaadano".

"Kuma xalin karno [qori], nooguma xalis-mayaan, berri ayaan heshiinaynaa ileen meel aan kala aadayno malahan. Xabaadaha korkooda yaanan ku heshiin, nabadda aan ku heshiino," ayuu hoosta ka xariiqay.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli isku-dhacii ugu horeeyay ee hubeysan salkana ku haya xiisadaha siyaasadeed ee Puntland ay todobaadkan ka dhaceen magaala madaxda Garowe.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii cutubyo iska soo horjeeda kana kala tirsan Ilaalada madaxtooyadda iyo kumaandooska Danab ay isku-rasaaseeyeen goob la geeyay agabka diiwaan-gelinta lagu muransan yahay.

Dharbaaxada Madaxtooyada Puntland

Xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dadaal gelinaysa sidii ay qori caaradiisa ay diiwaan-gelinta uga hirgelin lahayd magaaladda Garowe iyadda oo ay ka hor-yimaadeen dadka degaanka iyo inta badan daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda.

Dhinacyadda siyaasadda iyo dadweynaha qeybtood ayaa sheegay in Deni uu muddo kororsi ku raadinayo barnaamijka dimuqraadiyeynta ee uu bilaabay iyadda oo muddo xileediisa ay uga hartey bilooyin.

Madaxtooyadda Puntland ayaa ku hungowdey taageero ay dooneyso in barnaamijkan iyo muddo kororsiga ay uga hesho Villa Soomaaliya. Tani ayaa waxay soo dadajisay khilaafka siyaasadeed ee Deni iyo maamulka Xasan Sheekh oo meel adag maraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM