Koonfur Galbeed Soomaaliya: Khilaaf Siyaasadeed oo Isu Rogaya Dagaal Sokeeye

Image

MAQAAL ARAGTIYEED |Afar arrimood ayaa mudan in si cad looga hadlo weerarkii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Doolow iyo xaaladda sii xumaanaysa ee Koonfur Galbeed.

Tan koowaad, loollankii siyaasadeed wuxuu si tartiib ah ugu sii siqayaa dagaal sokeeye oo dadku iyagu gacmahooda ku abuurayaan. Tan labaad, madaxda federaalka ee dalka isaga dambaysay, iyagoo Koonfur Galbeed u adeegsanaya dano siyaasadeed oo muddo-gaaban ah, waxay wiiqeen dowlad-goboleedka iyo nidaamka federaalka laftiisa. Tan saddexaad, dhacdadii Doolow waxay ka gudubtay xad khatar ah: awood ciidan, oo laga yaabo in laga soo amaahday saaxiib dibadeed, ayaa loo adeegsaday loollan siyaasadeed oo gudaha ah. Tan afraadna, dadka masuuliyadda leh ee Koonfur Galbeed waa inay fahmaan halka arrimuhu ku socdaan — bulshadooda ayaa la kala qaybinayaa, la hubaynayaa, loogana dhigayo aalad ay cid kale ku dagaallanto.

Koonfur Galbeed waxay ahayd maamul nugul ka hor inta aysan xiisaddan siyaasadeed bilaaban. Al-Shabaab waxay maamushaa ama ku loollantaa qaybo badan oo miyiga ah, halka dowlad-goboleedku, maadaama uusan lahayn ilo dhaqaale oo madax-bannaan oo ku filan, uu si weyn ugu tiirsan yahay Muqdisho. Halkii ay madaxda federaalka ee isaga dambaysay dhisi lahaayeen hay’ado xoojiya dowlad-goboleedka oo isku haya bulshada, waxay nuglaantaas u adeegsadeen dano siyaasadeed.

Sannadkii 2018, dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay meesha ka saartay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxay xirtay musharraxii madaxweynaha Mukhtaar Roobow, iyadoo taageero ciidan ka helaysa Itoobiya waxayna si dhab ah awoodda u saartay Cabdicasiis Laftagareen.

Toddobo sano kaddib, taariikhdu waxay u muuqataa inay dib isu soo celinayso, laakiin xulafadii ayaa dhinacyada kala beddeshay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii hore wuxuu Laftagareen ku taageeray inuu sii joogo xafiiska kaddib dhammaadka muddo-xileedkiisa, balse markii dambe ayuu ka soo horjeestay. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Aadan Madoobe, oo door muhiim ah ka qaatay meel-marinta muddo-kordhinta Xasan Sheekh iyo wax-ka-beddellada dastuurka, ayaa hadda u muuqda ninka ay Muqdisho doonayso inuu hoggaamiyo Koonfur Galbeed.

Laftagareen-na ma muuqdo nin diyaar u ah inuu xukunka ka tago dagaal la’aan. Ciidamo lala xiriirinayo garabkiisa ayaa weerarro ka fuliyey Baydhabo, beelihiina waxaa lagu sii jiidayaa iska horimaadka. Halkaas ayay ciyaaraha siyaasadeed ee federaalku ku joojinayaan inay ciyaar ahaadaan: waxay kala jebinayaan dowlad-goboleed, waxayna wiiqayaan federaalka Soomaaliya laftiisa.

Kaddibna waxaa timid Doolow.

Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa weerartay hoyga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Jeneraal Shub, kana mid ah xulafada Laftagareen, waxaana weerarka ku dhaawacmay Jeneraalka. Shub, oo ah soddogga Laftagareen, wuxuu hore u sheegay inuusan oggolaan doonin in Aadan Madoobe uu xukumo Koonfur Galbeed.

Waa in la ogaadaa cidda duulisay diyaaraddaas, laakiin waxaa taas kasii muhiimsan in la ogaado cidda dalbatay weerarka iyo cidda bixisay amarka lagu fuliyey.

Soomaaliya, Türkiye iyo Mareykanka ayaa Soomaaliya ka adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan. Taageerayaasha Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Türkiye ku eedeeyey in loo adeegsaday sidii meesha looga saari lahaa nin ay siyaasadda isku hayaan Madaxweyne Xasan Sheekh. Türkiye weli si rasmi ah ugama hadlin arrinta. Dowladda federaalka ayaa dhinaceeda sheegtay in guriga lagu diyaarinayey walxaha qarxa. Haraaga iyo burburka goobta yaalla ayaa wax badan ka sheegi kara waxa dhab ahaan dhacay.

Xitaa haddii dowladda federaalku aaminsanayd in Jeneraal Shub uu hoggaaminayey kacdoon hubaysan, waxaa u furnayd inay dacwad kusoo oogto oo ay soo saarto amar lagu soo xirayo. In diyaarad aan duuliye lahayn lagu weeraro guri la deggan yahay, sida muuqata, waxay ka dhigan tahay in la aqbalay halista ah in lala dilo qof kasta oo bartilmaameedka ag jooga — qoys, ilaalo, deris ama dad kale oo aan wax lug ah ku lahayn khilaafka.

In aan loo meel-dayin nolosha dadka kale waa habka ay Al-Shabaab u dhaqanto marka ay si aan kala sooc lahayn meel u qarxiso, sababtoo ah qof ay doonayso inay disho ayaa laga yaabaa inuu halkaas joogo. Ciddii ka dambaysay weerarkii Doolow waa in la aqoonsadaa, lagulana xisaabtamaa.

Halkaas ayay tahay meesha ay Koonfur Galbeed u baahan tahay inay si miyir leh uga fikirto xaaladda, gaar ahaan siyaasiyiinta masuulka ah, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.

Digil iyo Mirifle, oo taariikh ahaan ka mid ahaa beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed ee isku duubnida badan, maanta waxaa loo kala jiidayaa xeryo hubaysan. Natiijadu waxay noqon kartaa bulsho ka tabar yar sidii hore, cid kasta oo siyaasadda ku guuleysatana. Ma jiro jilib kaligiis xoog ku maquunin kara kuwa kale, mana jiro siyaasi dhisi kara Koonfur Galbeed oo waarta isagoo quwado dibadeed ka codsanaya lacag, ciidan ama diyaarado aan duuliye lahayn oo uu kula dagaallamo deriskiisa.

Bay iyo Bakool waxay hore qiimo aad u weyn ugu bixiyeen macaluul, barakac iyo dagaalka Al-Shabaab. Waxa ay maanta u baahan yihiin ma aha dagaal kale. Bulshada waa in la isku hayaa, khilaafaadkoodana dib loogu celiyaa miiska siyaasadda ka hor inta aysan xaaladdu yeelan jiho aan cidina xakamayn karin.

Soomaaliya way taqaannaa halka ay ku dhammaadaan waddooyinka gaagaaban ee noocan ahi. Sannadkii 1991, loollan siyaasadeed ayaa isu beddelay dagaal sokeeye; dhinacyo dibadeed ayaa gargaar loo weydiistay, ugu dambayntiina Soomaaliya waxay muddo ka badan toban sano ku noolayd dowlad la’aan. In ka badan soddon sano kaddib, dowladnimada Soomaaliya weli waa mid jilicsan.

Siyaasiyiinta aragtida gaaban ee maanta raadinaya waddooyin ay awoodda si fudud ku gaaraan waa inay xusuustaan hal cashar: dadka albaabka u fura dagaal sokeeye badanaa iyagu ma go’aamiyaan halka uu ku ekaanayo — mana go’aamiyaan qiimaha ay iyaga iyo dadka kaleba ugu dambayn ka bixin doonaan.

Waxaa qoray: Cabdirashiid Xaashi | Falanqeeye,  Cilmi-baare iyo Wasiir hore 

Cabdirashiid Xaashi waa falanqeeye iyo cilmi-baare. Aragtida lagu soo bandhigay maqaalkan waxay gaar u tahay qoraaga.

Related Articles