Soomaaliya iyo Turkiga: “Awooddeennu waa dunidan weyn oo aan cidlo ku noqonin”

Image
Qormadan waxaa qoray Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaan (shalay) si guul ah noogu soo idlaadey munaasabadda soo dhaweynta iyo ambabixinta markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis oo lagu qabtay Dekedda Xamar.

Maanta waa maalin taariikh u ah Dalka Soomaaliya iyo Türkiye. Xiriirkooda oo dib u bilowdey 2011, markuu Ra’iisul Wasaarihii waqtigaa hadana ah Madaxweynaha Dalka Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya taasoo abuurtey rajo soo celin bog cusub furtey.

13 sano kadib, safarkii saaxiibtino ee labada dal wuxuu maantana noo sidaa markab xambaarsan rajada iyo mustaqbalka labada dal.

Waxaan aad ugu rajo weynahay in Markabka Oruç Reis iyo awoodda lasocota in mustaqbalkeenna dhow iyo midka fogba uu ifaayo, anagoo dib u hanan doonna heybaddeennii qaranimo ee aan dunida ku laheyn.

“Cid walba oo wax raadisaa ma hesho, laakiin inta hesha waa kuwa raadiya” oraahdaas anagoo rumeysan ayaa shaqadeenna ku jaangoyn doonnaa hirgelinta ujeedooyinkeenna.

Waxaan kusoo gabogabeynayaa oraahdii gabyaaga Turkiga ee aheyd, awooddeennu waa dunidan weyn oo aan cidlo ku noqonin. Allaha weyn ayaa mu mahadsan inaan helney walaalo dhibka iyo dheefta nala qeybsada.

Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo har iyo habeen u taagan sidii loo yagleeli lahaa mustaqbal ifaya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan oo Soomaaliya geliyey abaal qarniyo la xusi doono.

Sidoo kale Wasiirka Tamarta Türkiye mudane Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Difaaca Qaranka Türkiye Mudane Yaşar Güler oo kaalin aan lasoo koobi karin ka qaatay hirgelinta guushan. Markale waxaan u mahadcelinayaa shacabweynaha Türkiye iyo Soomaaliya oo taageero u muujiyey dowladaheenna.

Walaalnimadeenna Türkiye iyo Soomaaliya ha waarto.


Fekrada qormadan kama turjumeyso siyaasada Garowe Online waxay u gaar tahy qofka ku saxiixan

Related Articles

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Erdogan oo ku baaqay dhexdhexaadin ku saabsan Suudaan: Dhinac kale oo tartanka saameynta leh

Ka dib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safraya Addis Ababa Sabtida si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

  • Fikradaha

    25-12-2024

  • 05:39PM

Sheeko-faneed: SOOBE illaa DABAKAAYO MADOW

Adeer wadada hormuud ka soo sokeysa iijoji. Ilmahaygoow nabad gala I.a. Odeygii waa degay, sheekadaas ayuuna ku soo khatimey safarkii gaabnaa.

  • Fikradaha

    12-05-2024

  • 02:47PM