3,000 macalimiin ee dowladda qoraneyso: Hadafka iyo Mushaharka

Image
Bangiga Aduunka ayaa qeyb ka ah barnaamijkan oo daahfuurkiisa uu ka qabsoomay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daah-furtay qorshaha soo xulista kumanaan macalimiin ah oo mar kaliya ay dowladda shaqaale ahaan u qaadaneyso.

Talaabadan ayaa timid kadib markii Miisaaniyadda dowladda ee sanadkani lagu daray qoondadii ugu badnayd oo loogu talagalay wasaaradda, iyada oo garab laga helayo Bangiga Adduunka.

Hadafka ugu sareeya

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa xusay in qorshaha yahay in adeeg waxbarasho la gaarsiiyo illaa 4 milyan oo da’da waxbarashada gaaray oo ku nool dalka, kuwaas oo aanan helin fursado ay iskuulaadka ku tagaan.

Da’yartan ayaa ka mid ah kuwa ku nool deegaanada laga saarey Al-Shabaab, halkaas oo ay horey mamnuuc u ahayd in waxbarasho aas-aasi ah ay helaan carruurta, taasi badelkeedana loo qori jirey askar u dagaalanta kooxdani.

Haddaba waxa ay dowladda qoreysaa 3 kun oo macalin oo dalka oo dhan ah, kuwaas oo muhiimadda ugu weyn la siinayo kuwa ka hawlgalaya deegaanada Al-Shabaab laga qabsadey muddadii 8-da bilood ahayd ee ay hawlgalada socdeen iyo kuwa kale ee adeegyada wxbarashada aysan si rasmi ah u gaarin.

Musharka la bixinayo

Warka ugu weyn ee mashruuca ku jira ayaa ah in mushaar aad heerkiisu u sareeyo la siinayo macalimiinta, iyada oo macalin kasta uu qaadan doono $600 doolar, halka maamuleyaasha ay heli doonaan lacag dhan $1000 doolar oo ay ku jiraan gunnooyin.

Dowladda ayaa guddi u saartay imtixaamka laga qaadayo macalimiinta, kuwaas oo marka lasoo xulo geli doona tababar kooban si ay awood ugu yeeshaan in ay dhigaan Manhajka cusub ee dowladda dajisay.

Meelaha su'aallaha ka taagan tahay ayaa ah qaabka uu cadaalad u noqon doonto geedi-socodka xulista. Ma jiro nidaam daahfuran oo wasaaradda soo bandhigtey oo aan ka ahayn mareeg codsiyada lagu gudbin karo.

Adeegga dadweynaha

Dadka naqdinaya barnaamijkan ayaa su'aal gelinaya qaabka loo sugi doono amniga ardayda, dugsiyadda iyo macalimiinta marka la geeyo degaanada dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab.

Si kastaba, mashruucani ayaa noqonaya adeeggii bulsho ee ugu baaxadda weynaa ee ay markaliya dowladda fuliso, iyada oo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuuduu sanadkani 2023-da ugu magac daray "sanadka adeegga dadweynaha". 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM