Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2022, wuxuu ballanqaaday in uu dalka u horseedi doono isbeddel siyaasadeed iyo dimuqraadiyad dhab ah, iyadoo ugu muhiimsan tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah. Saddex sano kadib, xaaladda dalka isbedel kama jiro, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa caqabado siyaasadeed, amni iyo maamul.
Himilada Doorashada Qof iyo Cod:
Marka laga hadlayo himilada doorasho qof iyo cod ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tan ay tahay mid ka mid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee xukuumaddiisa. Tani waxay noqon lahayd marxalad muhiim ah oo Soomaaliya uga gudbi karto nidaamka doorashooyinka ku dhisan nidaamka qabiilka ee 4.5 iyo sidii ay u noqon lahayd dal dimuqraadi ah oo doorashooyinka loo sameeyo si hufan, oo qof kasta codkiisa leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hortaagan caqabado badan. Nidaamka doorashada ee hadda jira ayaa weli si buuxda ugu xiran habka dadban, taas oo ka dhigan in shacabka dalka aysan si toos ah u dooran karin madaxda. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajaheysa xiisado siyaasadeed oo kala dhaxeeya maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ku khilaafsan qaabka doorashooyinka iyo hagidda habka doorashada. Khilaafkani wuxuu ka dhashay isfaham la’aan ku saabsan heshiiska doorashada iyo dhismaha gudiga doorashada.
Caqabadaha Siyaasadeed iyo Amniga:
Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag. Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada joogtada ah, iyagoo carqaladeynaya qorshayaasha amniga iyo horumarinta dalka. Tani waxay si gaar ah saameyn ugu yeelatay meelaha ay kooxdaasi ka taliso iyo goobaha muhiimka ah ee dalka, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin xaalad amni darro oo joogto ah.
Khilaafyada Siyaasadeed:
Saddex sano kadib, waxaa si weyn loo dareemayaa khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Khilaafkaas ayaa ah mid saameyn ku yeeshay nidaamka doorashada, iyadoo Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeedaan qaabkii loo qorsheeyay doorashada iyo wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka, taas oo noqotay mid si weyn u murugsan iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida dalka loo maamulayo.
Inkastoo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu leeyahay himilooyin waaweyn oo ku aaddan doorasho qof iyo cod ah, hal sano kadib waxaa muuqata in caqabado badan ay hortaagan yihiin qorshayaashaasi. Xaalada amni ee dalka, khilaafka siyaasadeed iyo awoodda dowladda ee qaybinta maamulka ayaa ah arrimaha ugu weyn ee soo wajahaya hogaanka dalka.
Doorashada qof iyo cod ayaa noqon karta fursad muhiim ah, laakiin haddii la doonayo in la gaaro himiladaas, waxaa loo baahan yahay heshiisyo siyaasadeed iyo wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex mara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyadoo sidoo kale amniga dalka loo baahanyahay in si dhab ah loo xoojiyo.
GAROWE ONLINE