Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Image
Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa ayiday xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Sayid Cali Macallin Daa’uud kaasoo ku eedeysnaa inuu dilay xaaskiisa Luul Sheekh C/casiis oo uur lahayd, iyadoo diiday racfaan uu ka qaatay xukunkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo caddeeyay in Daa’uud lagu helay inuu si bareer ah u dilay xaaskiisa.

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday kaas oo dhaliyay caro qaran oo hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee wax looga qabanayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka ee Soomaaliya.

Daa’uud ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku gubay gurigooda Muqdisho dabayaaqadii bishii Janaayo 2024-kii kadib muran qoys. Luul, oo ahayd shaqaale laga ixtiraamo garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, isla markaana leh lix carruur ah, ayaa ku geeriyootay Isbitaalka Erdogan.

Intii ay socotay dacwadda, Daa’uud waxa uu qirtay in uu dabka shiday balse waxa uu ku andacooday in uusan ujeedkiisu ahayn in uu dilo.

Dacwad oogayaasha ayaa ka hor yimid cadeymo ay ka mid yihiin haraadiga teleefoonka Cabdicasiis ee gubtay iyo marqaatiyaal ay ku jiraan carruurtooda, iyagoo ku dooday in falka Daa’uud uu ahaa mid ula kac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM

Saddex su'aallo oo ku wareegsan howlgalka cusub AU-da ee Soomaaliya

Midowga Afrika waxay kaloo codsadeen in qalab iyo hub culus la siiyo ciidamada cusub.

  • Warbixino

    08-08-2024

  • 05:40AM