Afar sano guurada weerarkii Dusit: Laba dhacdo oo xasuus leh
NAIROBI, Kenya - Kenya iyo caalamka ayaa xusay sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegatay weerarkii DusitD2 iyadoo la baadi goobayo ruuxa la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay falkaas.
Weerarka 2019-ka ayaa billowday 3-dii galabnimo markaasoo kooxda weerarka geysatay ay ku gubeen saddex gaari oo yaallay bannaanka hore ee dhismaha Hotel Dusit. Waxaa xigay qarax uu qof naftii hure ah ka geystay afaafka hore ee maqaayadda.
Afar nin oo hubeysan oo kala ah Ali Salim Gichunge, Osman Ibrahim Geedi, Siyat Omar Abdi, iyo shaqsi aan heybtiisa la garan ayaa kadib weerarka u adeegsaday qoryo AK47 ah iyo bambaanooyin, iyagoo beegsaday dad ku sugnaa Hotel DusitD2 iyo dukaamada ku xeeran.
Go'doomin ayaa daba socotay, balse hay'adaha ammaanka ayaa ka jawaabay oo ku guuleystay inay badbaadiyaan in ka badan 700 oo qof oo ay ku jiraan in ka badan 70 muwaadiniin Mareykan ah.
Baadigoobka maskaxdii ka dambeysay
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay kordhiyeen feejignaanta "si looga hortago nooc kasta oo lagu xusayo sanadguurada haraadiga kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab oo falkan ka dambeysay".
"Shan argagixiso ayaa weeraray dhismaha ku yaal Riverside Drive ee Nairobi 15-kii Janaayo, 2019, halkaas oo ay ku dhinteen 22 qof," ayay The Star kasoo xigatay sarkaal dhanka amniga ah.
Laamaha ammaanka ayaa si lamid ah waxay ka dhawaajiyeen inay heegan ku jiraann, waxayna ku booriyeen dadka shacabka ah inay sii wadaan feejignaanta.
Khamiistii la soo dhaafay ee Janaayo 12, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ku bixin doonaan lacag dhan $10 milyan si loo helo Mohamoud Abdi Aden, oo ah muwaadin Kenyan ah oo looga shakisan yahay in uu madax u ahaa dableyda.
Isbadal ku yimid mulkilyada hotel-ka
Safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Dembi Baarista Amiin Maxamed ayaa ku baaqay in la helo xog ku saabsan shaqsi kasta oo ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta.
Kooxda weerarka fulisay ayaa qorshaynayay in ay weerarka si toos ah uga tabiyaan baraha bulshada. Hoteelka oo ku xirmay duulaankaas ayaa dib loo furaY bilo kadib cudurka faafa ee Covid-19.
Dhismaha ayaa tan iyo markaas waxaa la badalay cidda iska leh. Goobo ganacsi oo kale ayaa ka shaqeeya aagga. Ammaanka ayaa noqdey qodobka ugu weyn ee diiradda la saaro.
Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, iyadoo marar badan weeraro ku qaaday Kenya, sababo ku aadan joogitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya kana mid ah howlgalka ATMIS.
GAROWE ONLINE