AFRICOM: Al-Shabaab waa garabka Al-Qaacida ugu halista badan

Image
Taliska milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa shaaca ka dhigay in ay kordhiyeen gulufka ka dhanka ah kooxda.

WASHINGTON, United States - Duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ayaa Arbacadii lagu dilay shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Afrika ee AFRICOM.

Weerarka dhinaca cirka ah ayaa lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, waxaana uu ahaa weerar is-difaac oo wadajir ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Duqeynta ayaa laga fuliyay meel qiyaastii 300 oo mile dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. "Ma jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay," ayay raacisay AFRICOM.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa noqonaya kii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah oo Mareykanku uu la beegsado xoogagga Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Jimcihii todobaadkii hore, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ameerkaanka ayaa fuliyay weerar lagu dilay 12 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab waqooyi bari ee Muqdisho.

Tan iyo bilowgii sanadkan, Mareykanka waxa uu qaaday guud ahaan shan weerar oo lala beegsaday Al-Shabaab, sida laga soo xigtay AFRICOM, "taasi oo muujineysa kororka iskaashiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya  ee lagu bartilmaameedsanayo kooxda argagixisada ah," ayuu taliska ku daray.

AFRICOM waxa ay Al-Shabaab u aqoonsan tahay Shabakadda Al-Qaacida ee ugu weyn uguna halista badan caalamka, "iyaga oo muujiyay rabitaankooda ah in ay fuliyaan weeraro ka dhan ah Soomaaliya, Mareykanka iyo kuwa kale".

Dabayaaqadii bishii Janaayo, Mareykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka fuliyay howlgal ka dhan ah argagixisada kaas oo lagu dilay Bilaal Al-Sudani, oo ahaa hogaamiyihii Daacish u qaabilsanaa faafinta fikirka ISIL ee Afrika.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsi ka yimid Pentagon-ka sanadkii hore oo ahaa in ciidamada Mareykanka dib loo geeyo aaggaas si looga hortago Al-Shabaab.

Oggolaanshaha in ka yar 500 oo askari loo diro Soomaaliya ayaa ah mid ka soo horjeeda go’aankii madaxweynihii hore ee Donald Trump uu dhammaan ciidamada Mareykanka uga saarayo dalkan sanadkii 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM