Al-Shabaab oo kusoo biyo-shubanaysa gobolada koonfureed
BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Waxaa aad usoo xoogaysanaya saansaanta in dagaalamayaasha Shabaab ee sida weyn loogu jabiyay dagaalada kaga socda gobolada dhexe ay usii qulqulayaan gobolada sii koonfureed ee dalka, gaar ahaan labada Jubba.
Mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa si joogto ah saxaafadda ugu sheegaya in dagaalamayaashan ay codsanayaan in dagaalka laga joojiyo, taasi badelkeedana ay u guuri doonaan gobolada koonfureed ee dalka. Balse mas’uuliyiintan ayaa arrinkaasi u dhego nuglaan maadaamaa ay ka war hayaan in kooxdan oo awooddooda leh ay markasta soo duuli karaan haddii hadda aanan la naafaynin.
Maxamed Shiine oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo Burde oo muuqaal uu soo duubay ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shabaabka ay kaga dabo geli doonaan meel kasta, aysana ka yeeleyn catoowgooda ah in ay koonfurta u guurayaan.
Sidoo kale, Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo ka hadlay arrimaha dagaalada ayaa uga digay dowladda iyo dagaalyahanada shacabka in ay u beerlaxawsadaan kooxda argagixisada ah, aanana laga ogolaan in ay gobol kale u guuraan si nabad ah.
Inta aanan la gaarin gobolada Jubbooyinka, ciidamada Koonfur Galbeed oo wehliya kuwa xoogga dalka ayaa si weyn heegan uga jira gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.
Gobolada Jubbooyinka ayaa kooxdani u ah gabbaad weyn oo ay muddo dheer ku dhuuman karaan maadaamaa dhulkaasi yahay mid kaymaha ku badanyihiin, islamarkaasna ay haystaan dhul balaaran oo ay xitaa ka barokiciyeen shacabkii caadiga ahaa, cidda keliya ee kusoo hartayna ay tahay taageerayaashooda.
Shacabkii degenaa magaalooyinka iyo tuulooyinka Jubbada Dhexe ayaa 70% wax lagu qiyaasay waxa ay u hayaameen dhanka xerooyinka qaxootiga Kenya, qaar kalena waxa ay ku jiraan xerooyinka loo barokacay ee Dooloow iyo Kismaayo.
Maamulka Jubbaland ayaanan weli dhankiisa bilaabin wax hawlgal ah oo la taaban karo xilli firxadka Shabaabka ay kusoo wajahan yihiin goboladaas xilli Jubada Dhexe ay tahay xaruntooda ugu weyn lana aaminsan yahay in ay joogaan xubnaha haya xilalka sarre.
GAROWE ONLINE