Aqalka Sarre oo ku hungoobay casuumaad uu u diray maamuladda

Image
Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamuladda - marka laga reebo Puntland - ayaa qoraal wadajir ah ku qaadacay shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waji-gabax kala kulmay marti-qaad uu u fidiyey guddoonka baarlamaanadda maamuladda.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen gudoomiyeyaasha maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Jubaland ayaa looga soo horjeestay in ay ogolaadaan casuumaadan.

Marti-qaadkan ayaa waxa uu ahaa in mudaneyaashan ay kasoo qeybgalaan kulan lagu sheegay wadatashi kaasoo ajandihiisa la aaminsan yahay in uu la xiriiro xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan arrimaha siyaaasada.

Ajandaha ugu weyn ee waqti-xaadirkan siyaasadda Soomaaliya saaran miiska ayaa waxa uu yahay wax ka badalka dastuurka qabyadda ah kaas oo ay hormuud ka tahay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda ku cad bayaanka gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamuladda, diidmadooda waxaa sal u ah in aysan fulin qodobadii ay horey ugu heshiiyeen iyo in aysan qeyb ka ahayn guddiyada loo saarey wax ka badalka dastuurka.

Diidmadan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli Sabtidii todobaadkan uu gudoomiye Cabdi Xaashi ku hungoobay inuu gudoomiyo kulan wadajir ah oo ay yeeshaan Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sarre.

Mudaneyaal kala duwan oo la hadlay Garowe Online ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in aysan jirin sharciyad u ogolaanaysa Gudoomiye Xaashi inuu gudoomiyo shirkan iyadda oo ay joogaan ku xigeenada Aqalka Hoose.

Fadhigan oo ay hareeyeen buuq, fowdo iyo gacan-ka-hadal ayaa waxaa ajandihiisu uu ahaa Miisaaniyadda dowladda iyadda oo aan laga doodin Xisaab-xirka sanadkii hore taas oo sababaha iska-hor-imaadka keenay kamid ah.

Miisaaniyadda Soomaaliya ee 2024-ka ayaa waxay gaareysaa hal bilyan wallow in ka badan kala bar ay tahay mucaawino ka timid saaxiibadda caalamiga ah iyo mashaariic ay dowlado ajaaniib ah ka fulinayaan waddanka.

Meelmarinta miisaaniyadda ayaa waxa ay dhabaha u xaari kartaa in la guda galo dooda xasaasiga ah ee wax ka badalka dastuurka wallow ay ka horeyso xujo badan oo ay in xukuumadda shaqo ka dhex-qabato Xildhibaanadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM