Baarlamaanka Soomaaliya oo galay marxaladdii mooshinada

Image
Mawjada ayaa haatan is-dul-taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa biloowday xilligii mooshinada buuqa badan ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo guddoonka ay la yaalaan mooshino kala duwan, kuwaas oo qaarkood la qarinayo, qaar kalena la ogyahay. 

Mooshinka soo ifbaxay ayaa ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose Sacdiyo Salaad. Kooxo siyaasadeed oo dano kala duwan wata ayaa gadaal k riixaya mooshinkan.

Balse, Sacdiya ayaa taageero xoogan ka helaysa Madaxtooyadda iyo Guddoonka kuwaasoo u muuqda in ay isku-dayayaan xeelad kasta oo ay ku baajin karaan mooshinkan dardarta wata.

"Sacdiyo oo markii horeba ul booc ah loogu tukubayay, iyada oo xildhibaano badan ay ku qoonsadeen arrimo la xiriira ixtiraam la’aan iyo ku tagrifal awoodeed ayaa hadda loo heley taageero ku filan oo xildhibaano tiro badan ay taageeri karaan xil ka qaadisteeda," ayay sheegeen illo wareedyo. 

Fahfaahinta qaar ayaa soo jeedinaysa in madaxwaynayaal maamul goboleed oo khilaaf kala dhaxeeyo maamulka Xasan Sheekh ay gadaal ka riixayaan mooshinkan ayna doonayaan in ay iska dajiyaan cadaadis saaran.

Tusbax furtay

Haddii lagu guuleysto in uu meelmaro mooshinka Sacdiyo ayaa waxaa la sheegayaa in uu biloow u noqon doono mooshino is dabo jooga oo laga keeno mas’uuliyiin kala duwan. 

Waxa arrinta sii cakiraya ayaa ah kala duwanaanshaha kooxaha siyaasadeed ee kutlooyinka ku leh baarlamaanka, kuwaas oo danahooda ay aad isu diidan yihiin. 

Maalmahan waxa uu shirar hoose u socday madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland, Lafta Gareen iyo Siciid Deni, waxaana loo malaynayaa in ay ka shaqaynayaan mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Lama saadaalin karo qaabka Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ugu diyaar-garoobay in uu iska-caabiyo ololahan kusoo wajahan wallow saaxiibo ku leeyahay Golaha Shacabka.

"Waxaa jia Xildhibaano badan oo ka cabanaya Xamse doodoodu waxay tahay in uu xataa qaabili waayay. Caradan waxay sababi kartaa in uu kalsoonidooda waayo," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Danaha is-diidaya

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isaga qudhiisa ku dul socda xarig yar dushiis, wuxuuna isku dayayaa in uu isu dheelitiro xasaradda guddoomiye ku xigeenkiisa oo farahiisa ka badatay iyo kooxaha siyaasadeed ee kasoo horjeeda. 

Waxa uu ku qasbanaaday in uu Lafta Gareen la heshiiyo, una ogolaado muddo kororsiga halka sano ee buuqa ka taaganyahay, si isagana uu uga badbaado mooshin.

Balse, waxaa kasoo horjeeda muddo kororsigaas kooxda talada haysa gaar ahaan xubnaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed taasoo biyo kulul kusii shubaysa xiisadda siyaasadeed.

Xasan Sheekh ayaa dhankiisa isku dayaya in uu jeediyo dareenka xildhibaanada, kuna jiheeyo dagaalada Al-Shabaab, isaga oo si shaqsi ah u abaalmarinaya xildhibaankii dadkiisa dagaal galiya, kuna dhiirogalinaya in  xildhibaanada ay caasimadda ka maqnaadaan intooda badan. 

Si kastaba, kulankii baarlamaanka ee Sabtidii wuxuu u baaqday guntan la’aan. Mudaneyaal hadlay kadib kulankaan aya Sacdiya ku eedeeyay in ay u gefka Qur'aanka Kariimka taasoo ahayd bilowga ruwaayadaha mooshinada la daawan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM