Beesha Caalamka oo "hakinaysa" taageerada Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Beesha Caalamka ayaa ka baaraan-dagaysa joojinta taageerada maaliaydeed ee Koonfur Galbeed gaar ahaan qoondada loogu talagalay ciidanka booliska, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo wargal ah.

Sidda ay caddeynayaan warbixinada, talaabadan ayaa salka ku haysa xasaradaha siyaasadeed ee ka oogan magaalada Baydhabo iyo cabsida laga qabo in haddii ay fashilmaan dadaalada dib-u-heshiisiinta ay dhacaan rabshado.

"Kulamadii ugu dambeeyay ee sida fool ka foolka ah iyo khadka telefoonka ay diblumaasiyiinta kula yeesheen madaxwayne Laftagareen waxay ku adkeeyeen in uu ka fogaado nooc kasta oo gacan ka hadal ah," ayay raaciyeen illo wareedyada.

Walwalkan ayaa kordhay ka gadaal markii ugu yaraan 11 qof oo u badan askar ay ku nafwaayeen dagaal xarunta gobolka Baay ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan musharaxiinta mucaaradka iyo maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa ah deeq-bixiyeyaaha ugu badan ee taageera guud ahaan booliska Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedyadda ay Koonfur Galbeed kamid tahay. Bileyska ayaa loogu talagalay sugida kala dambeynta.

Fashilka isku-daygii koowaad

Xiisada siyaasadeed ee ka oogan Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen. Mucaaradkiisa waxay sheegayaan in xilkiisu dhamaadey bishii hore. Balse isaga wuxuu doodayaa in hal sano loogu daray.

Dedaalo uu garwadeen ka yahay gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa la doonayaan xal looga gaaro is-qabqabsigan. Isku-daygii koowaad ee shirka dib-u-heshiinta loo balansanaa 5-ta Janaayo, 2023 ayaa dhicisoobay.

Aadan Madoobe oo ay wehliyaan Xildhinaano iyo Wasiiro heer federaal ah ayaa haatan ku sugan magaaalada Baydhabo. Hase ahaatee, waxaa la socon musharaxiinta madaxtinimada oo ay ku jiraan Shariif Xasan iyo Maxamed Aadan Farkeeti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qorshuhu yahay in uu furmo shirkan ayaa sidoo kale waxa uu wajahayaa ciriiri jadwal maadaama ay kaabiga kusoo haayaan socdaal uu ku tagyo wadamadda Sacuudi Carabiya iyo Qadar.

Xiisadda Koonfur Galbeed ayaa xujo ku ah maamulka Xasan Sheekh maadaama ay sawir ka bixineyso qaabka ay u maareyn doonto doorashooyinka maamul goboleedyada oo nidaamkii ka horeeyay uu kusoo xushay hogaamiyeyaal taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM