Biden oo sameeyay taariikh aysan gaarin madaxdii ka horeysay

Image
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa horaanta 2023-ka kala caddeyn doona in uu mar kale murashax yahay 2024-ka.

WASHINGTON, USA - Joe Biden ayaa noqdey madaxwaynihii ugu horeeyay Ameerikaan ah oo gaara da'da 80-sano jir ah isaga oo haya xilka ugu sareeya Mareykanka. Hase ahaatee, Biden ma dabaaldegin dhalashadiisa.

Inkasta oo baaritaankii caafimaad ugu dambeeyay uu muujiyey in Biden uu wali sii hayn karo xilka, haddana maalmaha soo aadan waxaa uu kala caddeyn doonaa haddii uu mar kale tartamayo sanadka 2024-ka.

Shir Jaraa'id oo uu ka hadlay 9-kii November, 2022, Biden ayaa carabka ku dhuftey in uu "ku talo jiro in uu mar klae tartamo". Hase ahaatee, wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa horaanta sanadka cusub ee 2023-ka.

Ra'yi aruurin dadwayne oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa muujiyey in dadka Ameerikaanka ah aysan doonayn in Joe Biden uu mar kale isku-soo-sharaxo xilka madaxtinimadda.

Xisbiga Dimuqraadiga ee uu ka tirsan yahay Joe Biden ayaa guulo kooban kasoo hooyey doorashooyinkii xiliga dhexe ee Mareykanka. Saadaalintii la sameeyay ee ahayd in ay guulo waaweyn gaar karaan ayay ka hoos-mareen.

Madaxwaynihii hore ee Donald Trump ayaa qudhiisa wuxuu iclaamiyey in uu murashax yahay doorashadda madaxtinimada 2024-ka. Shaacintan ayaa timid xilli Jamhuuriyiinta ay xubno badan ku yeesheen baarlamaanka.

Xildhibaan Nancy Pelosi, oo 82 jir ah Dimuqraadi ah, ayaa ku dhawaaqday in aysan u tartami doonin qabashadda xilka afhayeenka Aqalka Wakiilada kadib doorashaddii xiliga dhexe.

Madaxtinimada Mareykanka ayaa ah mid ay inta badan ku loolamaan Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta. Mawduuca ugu ee kalkan jiheyn kara wuxuu noqon doonaa duulaanka uu Ruushka ku qaadey waddanka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM