Quruxlaydii hore ee xabsi guriga loo geliyey damac siyaasadeed

Image
Berenice Quezada ayaa 2017-kii loo aqoonsadey haweeneyda ugu quruxda badan waddanka Nicaragua. [Photo: Getty Images]

MANAGUA, Nicaragua – Booliska Nicaragua ayaa xiray boqoradii hore ee quruxda dalkan dhaca bartamaha Ameerika una ordeysa tartanka madaxtinimada bisha November, sidda uu sheegay xisbigeeda, xilli dowladda madaxwayne Daniel Ortega ay muujineyso astaan ah in ay ka baaqsan doonin baacsiga mucaaradka.

Dhowrkii bilood ee u dambeeyay, dowladda uu majaraha u hayo Ortega ayaa qabqabtay xoogag siyaasadeed oo ay ku jiraan musharaxiin damac uga jiro madaxtinimadda.

Berenice Quezada, oo 2017-kii noqotay haweenayda ugu quruxda badan dalka Nicaragua, ayaa habeenimadii Talaadadii la dhigay xabsi guri, sida uu shaaca ka dhigay Citizens Alliance for Liberty, oo ah xisbiga ay ka tirsan tahay.

"Quezada ... waxay ku jirtaa xabsi guri iyada oo aan la helin taleefan, lana xanibay socdaal ay sameyso iyo in ay u tartanto xafiis dowladeed," ayaa lagu qoray ciwaanka xisbiga isbahaysiga Muwaadiniinta ee mareegga Twitter-ka.

Qoraalka ayaa lagu dalbadey in si deg-deg ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Quezada oo, sida ay shaacisay asbuucii hore, u ordeysa xilka madaxwayne ku xigeenka dalkaas.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Nicaraguan ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in Quezada ay samaysay falal “kicinaya nacayb iyo rabshado,” ayna tahay inay ku jirto xabsi guri.

Dacwad "argagixisnimo"

Wargeyska Confidencial ayaa soo weriyey Talaadadii in lasoo rogay cabasho ah “dambiyo argagixiso” kana dhan ah Quezada loona gudbiyay golaha doorashada ee Nicaragua taasoo salka ku haysa hadaladeeda xasaasiga ah ee ku saabsan xorriyad la’aanta ka jirta dalkan dhaca Bartamaha Ameerika.

Isbahaysiga Muwaadiniinta ayaa Quezada u diiwaangeliyay Isniintii in ay noqoto ku-xigeenka Oscar Sobalvarro, oo ah ganacsade iyo madaxii hore ee mucaaradka garabka midig ee Contras, oo ay ku mideysan yihiin jabhadihii dagaalka dhuumaaleysiga ee uu Mareykanku taageero ee la dagaallamay dowladdii Sandinista ee Ortega 1980-yadii.

Washington iyo Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogay xubnaha qoyska Ortega, oo ay ku jiraan xaaskiisa iyo madaxweyne ku -xigeenka, Rosario Murillo, iyo sidoo kale shaqsiyaad muhiim ah oo ka tirsan dowladda.

Darafyadan ayaa ka digay in doorashada 7 -da Nofembar aysan noqon karin mid xor ah iyadoo inta badan dadka kasoo horjeeda Ortega xabsiga la dhigay.

Xafiiska Dawladda Maraykanka ee Arrimaha Galbeedka Hemisphere ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in "Ortega-Murillo uu quus taagan yahay haddii uu go'aansadey in uu xabsi dhigo boqoradii hore ee quruda dalkaas.

Tiro badan oo ganacsato ah, saxafiyiin iyo siyaasiyiin ayaa bilihii la soo dhaafay u qaxay dibadda iyagoo filayay in la xiro. Tani waxay sarre u qaadey qaylo-dhaanta ka timid Beesha Caalamka. Isla qaylo-dhaanta dibadda waxay culeysa ku kordhisay dowladda oo ku qasban in ay qaado talaabooyin ay kusoo cushaneyso kalsoonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM