Bukaan 411 maalmood la noolaa Covid-19 oo la daaweeyay

Image
Cilmi-baarayaal British ah oo ku guuleystay "mucjisadan" ayaa fahfaahin ka bixiyey qaabka ay adeegsadeen.

LONDON, UK - Cilmi-baarayaal British ah ayaa ku dhawaaqay inay daweeyeen nin muddo 411 maalmood ah la noolaa safmarka Covid-19 kadib markii ay falanqeeyeen astaamaha gaarka ah ee fayraska taasoo soo dadajisay bogsashadiisa.

Ninkan oo habdhiska difaaca jidhkiisu daciifay sababtuna tahay kelyaha oo lagu beeray, waxa uu haleelay Covid bishii Diseembar 2020 waxaana mar walba oo laga baaro laga helayay ilaa Janaayo ee sanadkan.

Bukaanka ayaa caafimaadey ka gadaal markii la siiyey isku-darka daawooyinka lagu kala magacaabo Casirivimab iyo Imdevimab monoclonal antibodies ee ay soo saartey shirkadda Regeneron.

Balse, ma ahan markii ugu horeysay oo ay adeegsadaan dawooyinkan. Bishii August, oday 60-jir ah ayay isku-dayeen in ay ku badbaadiyeen. Balse, nasiib darro ma aysan u shaqeyn.

Luke Snell, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada faafa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in daaweynta bukaankan aysan magaciisa shaacin ay ku noqotay "mucjiso iyo lama filaan".

"Bukaanadda inta badan waxay fayruska la noolaadaan bilooyin ama xataa sanado maadaama uu si weyn u saameeyo habka difaaca ee jirkooda," ayuu hoosta ka xariiay.

Covid-19 oo la aaminsan yahay in uu kasoo dilaacay sheybaar ku yaala Shiinaha ayaa wali si dhameystiran loo shaacin in uu ka dhamaadey aduunka hase ahaatee waxaa wali jira bukaano la nool kuwaasoo dhakhaatiita ay la tacaalayaan xaaladooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM