Caqabado ku gudban in Soomaaliya ay ku biirto ururka EAC
NAIROBI, Kenya - Agaasimaha guud ee Bahda Bariga Afrika ayaa hadal ka jeediyay baarlamaanka urur goboleedkan oo shir ku lahaa magaalada Caruusha ee dalka Tanzania kana hadlay xaaladda Soomaaliya.
Peter Mathuki oo ah diblumaasi u dhashay waddanka Kenya ayaa shaaca ka dhigay in wafdi balaaran oo qiimeyn u dirayaan Soomaaliya bisha Janaayo ee sanadka 2023-ka.
Mathuki ayaa xusay in Soomaaliya ay suurtogal tahay in ay soo buuxiso dhammaan shuruudaha xubinimada si ay u noqoto dalkii 8-aad ee xubin ka noqda Bahda Bariga Afrika oo ah urur dhanka ganacsiga ku xoog badan.
Sababaha waaweyn ee Soomaaliya fursadda siinaya ayaa ah in ay daris la tahay mid kamid ah dalalka xubinta ka ah, oo ah Kenya iyo in sanadkani la aqbalay xubinimadii dalka Congo oo meelo badan kala mid ah Soomaaliya.
Balse waxaa jira caqabado ay kamid tahay xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo yaraynta musuqa, kuwaas oo ah qodobo waaweyn oo shuruud u ah dalka ku biiraha bahdani.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu ka jeediyay shir madaxeedka Bariga Afrika ku sheegay in Soomaaliya ay dhinac kasta diyaar ugu tahay in ay ku biirto.
Wafdiga la dirayo ayay min seddex xubnood ka socon doonaan dal kasta oo xubin ka ah ururkani. Qiimeyntooda kadibw axaa go'aan laga gaarayaa xubnimadda Soomaaliya.
Marka laga tago arrimaha isu socodka dadka iyo badeecada, waxa ay Soomaaliya xubno ku lahaan doontaa baarlamaanka Bariga Afrika, iyada oo sidoo kale qeyb ka noqon doonta heshiisyada wadareed ee caalamiga ah ee ururkani galayo, gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Waxaa kale oo jira in Soomaaliya ay qeyb ka noqon doonto ciidanka isku dhafka ah ee ururkani leeyahay, kaas oo xitaa ay suurtogal noqonayso in ay soo farogaliyaan Soomaaliya haddii qalalaase ay ka dhacdo.
GAROWE ONLINE