Carro ka dhalatay gantaalo "halis ah" oo Ruushka tijaabiyey

Image
Mareykanka ayaa cambaareeyay tijaabadan kuna sifeeyay "mas'uuliyad darro" ay xukuumadda Washington sameysay.

NEW YORK, USA - Mareykanka ayaa Ruushka ku cambaareeyay tijaabinta gantaalaha "khatar iyo mas'uuliyad darrada" uu ku sheegay ee halista geliyay shaqaalihii saarnaa xarunta hawada sare ee caalamiga ah (ISS).

Tijaabada ayaa qarxisay mid ka mid ah dayax gacmeedyada Ruushka, kaas oo abuuray burbur ku qasbay shaqaalihii dayax-gacmeedka ISS in ay gabaad ka dhigtaan kaabsal.

Saldhigga waxaa hadda saaran 7 shaqaale ah oo kala ah afar Maraykan ah, mid Jarmal ah iyo labo Ruush ah. Xaruntan ku taala hawada sare waxay ku wareegaysaa joog dhan 420km (260 mayl).

Maamulaha NASA, Bill Nelson, ayaa tibaaxay in uu aad uga carooday dhacdada.

"Iyada oo ay taariikhda dheer iyo sheeko dheer ku leedahay hawada sare ee bini'aadamka, waa wax aan la qiyaasi karin in Ruushku khatar gelin doono ma aha oo kaliya cirbixiyeenada Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah ee ISS, laakiin sidoo kale cirbixiyeeno iyaga u gaar ah iyo sidoo kale kuwa Shiinees ah oo saaran saldhigga hawada sare ee Shiinaha," ayuu ku yiri bayaan.

Wakaalada hawada sare ee Ruushka Roscosmos ayaa dhacdadan hoos u dhigtay ayaga oo tibaaxdey in ay ku wargelisay shaqaalaha saarnaa xarunta ISS.

Tartanka hawada sarre ayaa sanadihii lasoo dhaafay xoogeystay. Warar ayaa sheegaya in lixdan iyo afar sano oo shaqo ka socotay ay hadda saaran yihiin hal milyan walxood.

Walxahan ayaa dul-heehaabaya hawada ayada oo aysan jirin cid xakameynaysa. Saamaynta mid kasta oo kuwan ka mid ah waxay noqon kartaa hammi soo afjarida cimilada muhiimka ah ama dayax-gacmeedka isgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM