Ciidanka kasoo noqdey Eritrea oo lagu taliyey hubinta caafimaadkooda

Image
Hadalkan wuxuu daaranyahay eedeymihii horey loo jeediyay ee ahaa in ciidamadan ay ka qeybgaleen dagaalkii Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca dowlada Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa hadal aad u kooban ka sheegay shir jaraa’id, isaga oo si degdeg ah uga dhaqaaqay makarafoonka ka hor intii aanan wax su’aal ah la weeydiinin.

Keliya waxa uu sheegay in ciidamadii Eritrea ku maqnaa ay qeybtii koowaad dalka dib ugu soo laabteen, mana uusan sheegin tiradooda iyo goorta ay soo dhamaystirmi doonaan.

Mr Nuur oo qeyb ka ahaa dowladdii Farmaajo ee ciidamaddan sidda qarsoodiga ah ugu dirtey Eritrea ayaa caddeeyay in ciidanka ay ka qeybgali doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taladii ugu horeysay

Cabdisalaan Guuleed oo mar soo noqday agaasime ku xigeenka sirdoonka Soomaaliya, haddana ah qabiir dhanka amniga ah ayaa bixinaya talladii ugu horeysey ee ku aadan sida laga yeelayo ciidanka.

"Waa in dowladda ay xaqiijisaa tirakoobka ciidanka in ay idil-yihiin, sidoo kale la hubiyaa caafimaadkooda," ayuu yiri Cabdisalaan oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Hadalkan wuxuu daaranyahay eedeymihii horey loo jeediyay ee ahaa in ciidamadan ay ka qeybgaleen dagaalkii Itoobiya ee TPLF lala galay, suurtogalna ay tahay in qaar ka mid ah askarta ay ku dhinteen.

Dhameystirka ciidamadda

Eritrea oo ah dal sir qarin badan ayaa waxaa jira welwel badan oo laga qabo waxa muddada dheer lasoo barayay askartan, tahayna in si hoose loo hubiyo ka hor inta aanan furumaha dagaalka la geynin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlaya Mareykanka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadan ay ugu dambeyn soo dhamaystirmi doonaan dhammaadka bisha Janaayo.

Isaga oo sii hadlaya, Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda ay la wareegi doonto amniga guud ahaan dalka, askarta ATMIS-na ay dalka gabi ahaanba ka bixi doonaan dhammaadka 2024-ta. Balse, ma cadda in ay xaqiiqo noqoneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM