Cilladaha ka dhex jira shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha federaalka ayaa xaalad laga xumaado ku tilmaamay kumanaan shaqaalaha rayidka ah oo aanan soo shaqo tagin, mushaaraadkoodana qaata.
Xamse Cabdi Barre oo shir la yeeshay agaasimeyaasha guud ayaa shaashad laga tusiyay inta shaqaale ee maqan iyo kuwa maalintaas soo xaadirey, waxayna xogta danabaysan ee diiwaangalinta maalinlaha ee shaqaalaha muujisay in ay maqanyihiin wax ka badan 4 kun, halka 180 ka mid ah oo keliya ay ku maqanyihiin fasax la ogyahay.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa amray in talaabo degdeg ah laga qaado shaqaalaha maqan, balse dhibka waa ka weynyahay maqnaanshiyo.
Dhibka ugu weyn ee jira waa in aysan isu dheelitirnayn xirfadda shaqaalaha looga baahanyahay iyo kuwa ka shaqeeya, iyada oo dad soo bartay xirfado kale ay ka shaqeeyaan wasaarado aan waafaqsanayn xirfadooda.
Sheeko ama shaah?
Shaqaalaha ayay u sahlantahay in ay u badeshaan wasaarad aan ahayn tii markii koowaad loo qaatay, una badeshaan wasaarad uu joogo mas’uul ay isku heeb yihiin, halkaasi oo uu ka helayo sandareero badan.
Shaqaalaha ayaa inta badan lagu qaatay qaab qabiil, iyada oo xitaa boosaska muhiimka ah ee shaqada ka socoto la geeyay dad laga yaabo in aysan mudnayn balse cid awood badan ay gadaal ka riixeyso.
Howlwadeenada dowladda ayaa sidoo kale ka cawda in aysanba wax shaqo ah oolin xafiisyada dowladda, islamarkaasna loo tago in lagu sheekeysto ama lagu shaaheeyo, sidaasi darteedna ay doorbidaan in ay iska maqnaadaan.
Shaqooyinka ayaa la kala qarsadaa, waxaana shaqada muhiimka ah loo dhiibaa dad yar oo wasiirada ku kalsoonyihiin, waxayna tani dhacdaa marka la qarinayo arrin musuqmaasuq uu ku dhex jiro.
Safar ama siminaaro?
Dadka kaalinta la talinta u jooga wasaaradaha ee Bangiga Adduunka uu mushaarka ka bixiyo ayaa inta badan qabta shaqooyinka xasaasiga ah, iyada oo la gacan bidxeeyo qofkii shaqaalaha rasmiga ahaa amaba laga qariyo shaqada socota.
Wasaaraha qaar waxaa ka qoran shaqaale aad uga badan shaqada taala, halka kuwa kale ay shaqaalaha ku yar yihiin, shaqadiina badantahay, taas oo curyaamisa bixinta adeegyada.
Xitaa wasaaradaha iyo laamaha dowladda ee ay yaalaan fursadaha soojiidashada leh sida siminaarada dibadda, kuwa gudaha, ee leh gunnooyinka, safarada, hoteelada iyo shirarka ayaanay ka socon wax shaqo ah oo natiijo la taabto leh.
Marka laga tago shaqaalaha rasmiga ah, waxaa tiro aan ka yareyn dhan shaqaalaha kumeelgaarka ah, kuwaas oo qaata gunnooyin, waxaana dhacda in shaqada inteeda badan iyaga dhabarka loo saaro.
Dad badan oo xog ogaal ah ayaa qaba in farta ku godan tahay Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha oo leh mas’uuliyadda kormeerka iyo la socodka shaqada. Dhowaan ayaa dib loo xoortay guddoomiyihii mudada dheeraa Xasan Abshiroow.
Ma jiro sawir quruxsan
Hadda shaqada guddiga ayaa waxa ay u tabaalaysaa dhanka dowlad goboleedyada, halkaas oo guddiyada ka jira ay isku xirmi doonaan kan heer federaal.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii la hadlay masjidka ku dhex-yaalla Madaxtooyadda ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in musuqmaasuq badan uu ka jiro qaadashadda mushaharka dowladda.
Hase ahaatee, hadalka madaxda Soomaalida mala socdo wax ficil ah. Ma ahan ama maba jiro sawir quruxsan marka la eego xaalka dowlad goboleedyada oo la xisaabtanka uu intan kaba sii yaryahay.
Si kastaba, dowladda waxaa u taala shaqo aad u culus haddii ay tahay in laga dhabeeyo waxa hadda afka laga sheegayo. Haddii aanan la helin talaabo la qaado waxay niyad-jabinaysaa shacabka u helaan dowladnimada.
GAROWE ONLINE