CNN oo saxafi Soomaali ah u eriday qoraal uu faafiyey 2010-kii
NAIROBI, Kenya - Idris Mukhtaar oo saxafi Soomaali-Kenyn ah ayaa wuxuu shaqo uu ka haysatay Telefishinka CNN ku waayay qoraal uu Twitter-ka dhigay 10 sano ka hor xilli uu ahaa nin dhallinyaro, welina aanan xitaa jaamacad ka bixin.
Maqaal uu ku qorey wargeyska Daily Nation ayuu Idris ku sharaxay in isaga oo daawanaya ciyaar 2010-kii dhexmaraysay Argentine iyo Jarmalka uu soo qorey hal-ku-dheg markaasi socday oo ahaa #TeamHitler, isaga oo markaasi taageerayay xulka Jarmalka.
Qoraalkan ayaa sidda muuqata loo arkay mid lid ku ah dadka Yuhuudda ah oo Hitler u aqoonsan in uu yahay ninkii 6 milyan oo ka mid ah dadkaasi xasuuqay.
Fariintaas ayaa si weyn loogu faafiyay Baraha Bulshada, taas oo keentay in maamulka CNN uu shaqada ka eryo Idris, una sheegaan in sharciga u yaala uu sidaasi yahay.
Idris ayaa tibaaxay in uusan marnaba taageersanayn in dad la laayo, uusana wax jacayl ah u haynin Hitler, xilligaasna uu ahaa nin aad u yar oo aysan u kala soocnayn waxa qaldan iyo waxa saxan, balse nasiib daro "maxkamadda Baraha Bulshada ay the tahay mid aanan ka fiirsi lahayn, kaliyana qofka lagu xukumayo wax aan kala caddeyn".
Wariyaha ayaa kusoo korey xaafad isku raran ah oo Nairobi ku taala, kana soo jeeda qoys sabool ah. Deeq waxbarasho ayuu ka heley Jaamacadda USIU ee Nairobi, halkaas oo uu bartay saxaafadda kadibna shaqo ka heley CNN ku meelgaar ah.
Balse sanadkii 2020-Kii ayuu deeq waxbarasho kale ka heley jaamacadda Berkeley ee California, halkaas oo uu wareegay, wuxuuna xarunta CNN ee Atlanta ka heley shaqo soosaarenimo ah.
Idiris ayaa xusay in waxa ku dhacay ay tusaale u yihiin dunida Internet ka uu maamulo ee aanan wax tixgalin ah loo haynin xaqiiqada iyo ka gungaarista dhacdooyinka, keliyana qofka looga go'aan qaadan karo qoraal ama sawir kooban.
GAROWE ONLINE