Dadka caanka ah ee carruurtooda lagu diley Soomaaliya

Image
Waxaan halkan kusoo koobaynaa carruuraha ay dhaleen dadka caanka ah qaarkood ee lagu diley Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weeraro beegsi ah, qaraxyo iyo dil toos ahba waa wax iska caadi ah dalka Soomaaliya, waxaana maalin kasta isa soo taraya dadka shacabka ah ee lagu laynayo dalka.

Dadkani waxaa ka mid ah ehelada iyo carruuraha ay dhaleen dadka caanka ah ee qeybta ka ah siyaasadda Soomaaliya, inkasta oo madaxda Soomaaliya badankoods ay reerahooda gaysteen dalka dibadiisa.

Waxaan halkan kusoo koobaynaa carruuraha ay dhaleen dadka caanka ah qaarkood ee lagu diley Soomaaliya.

Dr Ibraahim Xasan Aweys

Shalay waxaa gobolka Shabeelaha Hoose lagu diley Dr Ibraahim , oo uu dhalay wadaadka caanka ah ee Xasan Daahir Aweys, kaas oo muddo dheer qeyb ka ahaa dagaalada Soomaaliya.

Dr Ibraahim ayaa sanado ka hor ka qalin jabiyay jaamacadda Muqdisho, iyada oo lasoo bandhigay sawir uu xiranyahay dharka jalinqabinta, aabihiina uu foolka ka dhunkanayo.

Dad badan ayaa falcelin ka sameeyay sawirkaas, waxayna tilmaameen in Xasan Daahir uu dagaalada ku laayay carruur ay waalidiin kale dhaleen, balse kiisa uu jaamacad ka bixiyay.

Xasan Daahir oo habeen ka hor ku qoslayay sababta loogu barooranayo dilkii Jeneraal Farxaan Qaroole ayaa soo muuqday isaga oo u oynaya wiilkiisa.

Waxaa la sheegay in Dr Ibraahim uu beer ku lahaa Shabeelaha Hoose, balse warkaasi dad badan kama uusan dhaadhicin.

Maxamed Maxamuud Sheekh

Bishii Agoosto 2018-kii ayaa Muqdisho lagu diley nin dhallinyaro ah oo ganacsade ah oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Sheekh.

Waxaa wiilkani dhalay taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya Dable Bayloot.

Ninkan oo ka mid ahaa kuwa bulshada u dhaqdhaqaaqa ayay geeridiisa ka dhalatay caro badan iyo kacoon.

Waxa uu ka mid ahaa dadkii qurbaha kasoo laabtay, isaga oo magaalada ka bilaabay barnaamij lagu wareysanayo dadka fikradaha ganacsi ee ugubka hirgaliyay , kaas oo la oran jirey Startup Grind.

Laftiisa ayaa lahaa meherad weyn oo si heersare ah loogu dhaqo dharka ay madaxda xidhaan.

Hooyadiis Sahra Maxamuud Axmed ayaa ka tirsan dadka bulshada iyo haweenka u dhaqdhaqaaqa, iyada oo ka tirsan ururka SWDC.

Almaas Elman

Almaas waxaa iska dhalay Elman Cali Axmed iyo Fardawsa oo labaduba ah dad caan ku ah u dhaqdhaqaaqista nabadda iyo xuquuqda aadanaha, iyada oo aabaheed horey loo diley.

Bishii Nofeembar 2019 ayaa iyada oo ku dhex jirta xeendaabka nabdoon ee Xalane ay xabadi ku dhacday, taas oo aanan la ogeyn cidda ridday iyo meesha ay kasoo dhacday.

Mar ayay soo noqotay xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya, markan la dilayna waxa ay u sharaxnayd abaalmarin caalami ah.

Mahad Garguurte

Bishii Luuliyo 2019-kii magaalada Kismayo lagu diley ganacsade Mahad oo uu dhalay ganacsihii Soomaaliya caanka ka ahaa Garguurte, markii uu dalka burbureyna u wareegay dalka Tanzania.

Ganacsade Mahad ayaa ka mid ahaa dad badan oo lagu laayay qarax lala eegtay hotel Madina ee Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM