Dalalka ay shaqada ka doontaan Jeneraalada howlgabka Ameerika
WASHINGTON, US - Boqolaal ka mid ah saraakiisha ciidamada Maraykanka ee shaqada ka fadhiistay, oo ay ku jiraan jeneraalo hore iyo saraakiil sarsare, ayaa taariikhdooda ciidan u adeegsaday inay qalinka ku duugaan heshiisyo ay macaash lacag ku helayaan, sida lagu sheegay baaritaan muddo qaatay oo ay sameysay Washington Post.
Heshiisyadaas ayay la saxiixdeen wadamo shisheeye kuwaasoo badankooda ku yaala Khaliijka waxaana laga carabaabay Boqortooyadda Sucuudi Carabiya iyo dowladda Imaaraadka Caraba.
Baaritaanadda Washington Post oo lala kaashadey Mashruuca Kormeerka Dawladda (Pogo) ayaa lagu ogaaday in 280 saraakiil hawlgab millatari ah ay raadsadeen oggolaansho ay ugu shaqeeyaan Imaaraadka ayna ugu shaqeynayaan qandaraaslayaal milatari ama lataliye.
Sarkaalka ugu darajada sareeyay warbixinta ayaa ahaa General Jim Mattis oo shaqada ka fadhiistay, kaas oo soo noqday xoghayihii hore ee difaaca ee madaxweyne Donald Trump.
Mattis waxa uu la taliye dhanka ciidamada ah u ahaa dalka shidaalka hodanka ku ah ee Imaaraadka sanadkii 2015-kii, waxaana uu soo noqday madaxa difaaca sanadka markii uu ahaa 2017-kii.
Robert Tyrer, oo madax ka ah kooxda The Cohen Group, shirkad latalin ah oo fadhigeedu yahay Washington halkaas oo Mattis uu u shaqeeyo lataliye sare, ayaa xaqiijiyey jirtaanka warkan.
Tyrer ayaa u sheegay Washinton Post in xoghayihii hore ee gaashaandhigga uu kala taliyay Abu Dhabi "dhinacyada hawlgalka, xeeladaha, macluumaadka iyo anshaxa" howlgallada ciidan.
Hase ahaatee, wuxuu ku adkeystay uusan codsan ama aqbalin lacag uga timid dowladda Imaaraadka Carabta oo aan ka ahayn inay ka bixiso kharashaadka safarka.
Wargeyska Washington ayaa waxay ku qaadatay muddo laba sano ah in uu xareeyo dacwooyinka dawladda federaalka sida uu dhigayo Xeerka Xoriyadda Macluumaadka ee diiwaannada wuxuuna helay 4,000 dukumeenti hoos yimaada FOIA taasoo ah natiijadda baaritaankan oo kusoo aadey iaydda oo xiriirka Maryekanka iyo dalalka uu xumaadey.
GAROWE ONLINE