Dalka ku yaala qaaradda Yurub ee "dilay" dimuqraadiyadda

Image
Midowga Yurub ayaa sababtan darteeda wuxuu u hakinayaan kaalmadda uu siiyo waddankan.

LONDON, United Kingdom - Midowga Yurub ayaa si lama filaan ah u doonaya in uu joojiyo $7.5 bilyan oo Yuuro oo ah deeq loogu talogalay Hungary, sababo la xiriira walaac musuqmaasuqa iyo dib u dhaca dimuqraadiyadda.

Soojeedintan oo ah middii ugu horreysay oo nooceedda ah ayaa qayb ka ah siyaasado cusub oo loogu talagalay ilaalinta sharciga ee 27-ka waddan ee Midowga Yurub.

"Hungary waxay haysataa ilaa bisha Noofambar 19 ee sanadkan 2022-da si ay wax uga qabato walaacyada," ayuu yiri Guddoomiyaha Miisaaniyadda Midowga Yurub, Johannes Hahn.

Wuxuu raaciyey: "Hadalkeena wuxuu ku saabsan yaahy jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU," ayuu Hahn ka sheegay Brussels. "Midowga Yurub ma bixin karo lacag aan si buuxda looga ilaalin doonin is-dabamarin".

Toddobaadkii hore, mas'uuliyiinta Hungary ayaa si cadho leh uga falceliyay markii baarlamaanka Yurub uu ansixiyay qaraar sheegaya in waddanku aanu ahayn "dimuqraadiyad buuxda".

Fidesz, oo ah xisbiga talada haya ee uu xukumo ra'iisul wasaare Viktor Orban kaasoo kasoo muuqdey saxaafadda, ayaa yiri "Baarlamaanka Yurub ayaa mar kale weeraraya Hungary."

Laakiin madaxa xafiiska Orban ee Gergely Gulyas, ayaa sheegay in Budapest ay dhisi doonto waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa iyo koox-shaqaale oo ka kooban hay'adaha aan dowliga ahayn si ay u kormeeraan kharashaadka dhaqaalaha Midowga Yurub.

“Dowladdu ama wey aqbashay codsiyadii Guddiga Yurub, ama meelaha aynaan aqbali karin, waxaan ku guuleysanay inaan gaarno heshiis ay ku qancaan labada dhinac,” ayuu Gulyas u sheegay suxufiyiinta 17-kii September.

Orban, oo dib loo doortay mar afraad oo isku xigta bishii Abriil, ayaa marar badan iskaga hor yimid kooxda arrimo ay ka mid yihiin madax-bannaanida garsoorka, xuquuqda LGBT, iyo warbaahinta, tacliinta, iyo xorriyadaha diinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM