Deni oo jidgooyo dhex-dhigtey shirka madaxda Soomaalida

Image
Garowe Online ayaa ogaaday in madaxweynaha Puntland uu diidan yahay in uu saxiixo war-murtiyeedka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa laf-dhuun-gashay ku noqdey hore-u-socoshada shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ee Muqdisho martigelineyso, sidda warsidaha Garowe Online ogaadey.

Deni ayaa, sidda xoguhu tilmaamayaan, waxa uu ka goos-qabsadey in uu saxiixo war-murtiyeedka wadahadaladda. "Waxa uu shuruud uga dhigay in loo fuliyo dano gaar ah oo shaqsiyadeed," ayay GO u xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah.

"Bilowgii shirkana waxa uu diidey in uu aragti ka dhiibto ajandaha isaga oo dalbadey in ay gooni-isku-noqdaan isaga iyo madaxwayne Xasan Sheekh arrintaasoo layaab ku noqotey madaxda kale," ayay raaciyeen dadka wargalka ah.

Gooni-isu-taagga Deni

Dadka gorfeeya siyaasada Soomaaliya ee sidda dhow ula socda dhaqdhaqaaqyadda wadaxaajoodyadda soconaya ayaa waxay tibaaxeen in dagaalka siyaasaded ee Deni kula jiro dowladda federaalka ah uusan dhamaad lahayn.

Garowe Online ayaa fahansan in madaxwayne Deni uu ku gacan-seyray casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Martiqaadka wuxuu ku saabsanaa ka qeybgalka casho sharaf iyo xaflad lagu soo dhaweeyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar.

Sidoo kale, Deni ayaa ka baaqdey soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Lama ogga sababta ka dambeysay. Hase ahaatee, waxaa lala xiriirinayaa gadoodka uu u qabo federaalka.

Damaca muddo kororsiga

Dadka la socda siyaasada ayaa qaba in Dani uu isku diyaarinayo muddo kororsi uu ka sameeyo gudaha Puntland isla markaana uu ku jiro damac ah in 2026-ka tartanka madaxweynaha Soomaaliya ka galo Muqdisho.

Urur Siyaasadeedyada Horseed, Mideeye, Dhalinyarada iyo Shaqaalaha ayaa warqadii dhowaan kasoo baxdey madaxweynaha waqtigu ka dhacayo Saciid Deni waxay ku tilmaameen "marin-habaabin bulsho, isku-day jid ku baneysi doorasho hal dhinac ah iyo dastuur ku tumasho".

Xukuumadda iyo Ururkeeda KAAH ayay ku eedeeyeen in ay ololaha u adeegsanayaan gaadiidka dowladda. "Doorashada uma baahna damaanad-qaad shaqsi, balse waxay u baahan tahay damaanad-qaad sharci," ayay hoosta kawada xariiqeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM